Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan kalluumaysiga

 
Jimco, May, 24, 2024 (AX) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xassan Aadan, ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.
Is afgaradkaan ayaa ku saabsan kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah.
Heshiiskan is afgaradka ah ayaa wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya wuxuu sheegay inuu xoojinayo dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo  iskaashiga labada dal Soomaaliya iyo  Cumaan.
Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga Kalluumeysiga ah, si loo abuuro furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee kalluumeysiga, si dalku u gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.
Xukumadda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis kula gashay dowladda Turkiga in ay ka caawiso sidii loo ilaalin lahaa kheyraadka badda Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More