Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo Maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

 
Sabti, May, 25, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.
Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa dhaawacyadooda la kala geeyay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdooda Caafimaad.
Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo meelo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug ay inta badan ka dhacaan dagaal beeleedyo soo laablaabtay oo sababa khasaarooyin naf iyo maalba leh, hayeshee ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange ee gobolka Galgaduud.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More