Faahfaahin kasoo baxaya 7 caruur ah oo Maanta baddu ku qaaday xeebta magaalada Marka

Sabti, May, 25, 2024 (AX) – Wararka ka imaanaya magaalada xeebeedka Marka ayaa ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ilaa 7 caruur ah ay maantu qaaday badda.
Laba ka mid ah 7-da caruurta ah ayaa lasoo badbaadiyay, iyadoo sidoo kale la helay mid sadaxaad oo meydkiisa biyaha soo saareen, sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Odayaasha deegaanka.
Labada caruurta ah ee lasoo badbaadiyay ayaa la sheegay in la dhigay Isbitaalka magaalada Marka, halkaas oo lagula tacaali haayo xaaladooda caafimaad.
Cabdalla Bashiir Cabdi oo ka mid ah waxgaradka magaalada Marka ayaa sheegay in ilaa hada nolol iyo geeri midna lagu la’yahay afar caruur ah, islamarkaana lagu baadi goobi haayo ilaa saakay doomo si loo soo helo nolol iyo geeriba.
“Dareenka dadka reer marko maanta ayaad u kacsan yahay badda ayayna dhooban yihiin, waxayna ka dhursugayaan samatabixinta wiilasha ku hawlan baadi goobka caruurta badu lagu la’yahay” ayuu yiri Cabdalla Bashiir Cabdi.
Dhacdadaan baddu ku qaaday caruurta ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya shaacisay in laga cabsi qabo in gobolada Koonfurta ee saaran xeebta ay ku soo fool leedahay duufaan xoogan oo lagu magacaabo Lali, taasoo ku dhufatay qaar ka mid ah xeebaha dalalka Bariga Afrika.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More