Xukuumadda Fedaraalka oo ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaal beeleedyada ka socda Koonfur Galbeed
Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saadaad Caliyow ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaal beeleedyo ka socda degmooyin badan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.Wasiirka ayaa sheegay in dagaal beeleedyada ka jira degmooyinka kala ah Buurhakaba, Diinsoor, Baraawe, Wanlaweyn iyo Qoryooleey iney geysteen khaaaare badan oo isugu dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed, wuxuuna dalbaday in la joojiyo daadashada dhiiga dadka walaalaha ee…