Skip to content
Monday, November 23, 2026 12 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Maghrib 17:46
Muqdisho 28°C
Degdeg Somali Defense Minister Ahmed Moalim Fiqi sacked, replaced by Sadak Joon following Galmudug state election
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Xildhibaan Faizo Jeyte oo CID-da ku eedeysay inay shacabka ka qaaddo lacago aan sharciyeysnayn

Follow

MUQDISHO — Xildhibaan Faizo Jeyte oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fadhiga Golaha Shacabka horkeentay eedeymo culus oo ka dhan ah Xarunta Baarista Dembiyada ee CID-da, iyadoo shaacisay in xaruntaasi ay muwaadiniinta adeegyada u doonata ka qaaddo lacago xad-dhaaf ah oo aan sharciga waafaqsanayn.

Sida ay xildhibaannaddu xustay, qof kasta oo u baahda adeegyada CID-da, gaar ahaan shahaadada dembi-la’aanta, ayaa laga qaadaa lacag dhan 50 dollar, taas oo shan laab ka badan khidmadda rasmiga ah ee dowladda u degsan oo ah 10 dollar oo keliya.

Faizo Jeyte waxay tilmaantay in dakhligan dheeraadka ah aan lagu darin miisaaniyadda guud ee qaranka, isla markaana uusan meelna kaga jirin xisaab-xirka sannadlaha ah, arrintaas oo shaki weyn gelinaysa sharciyadda lacagahaas iyo ciddii gacanta ku haysa maamulkooda.

Waxay ku adkeysatay inaysan habboonayn in hay’ad dowladeed ay shacabka ku rogto lacago aan haysan saldhig sharci ah, isla markaana aan marin hab-raac maaliyadeed oo hufan oo lagula xisaabtami karo.

Xildhibaannaddu waxay sidoo kale su’aal gelisay awoodda sharci ee hay’adaha dowladda u leeyihiin qaadista dakhliga dadweynaha, iyadoo isweydiisay sababta hay’ad aan ahayn Wasaaradda Maaliyaddu ay dakhli toos ah uga qaadi karto muwaadiniinta.

Ugu dambayntii, waxay hoggaanka dowladda ugu baaqday inay si degdeg ah wax uga qabtaan qaadista lacagahaas sharci-darrada ah ee laga qaado dadka danta u gala xarunta CID-da.

Arrintan ayaa mar kale kicisay dooddii ku saabsanayd hufnaanta maamulka dakhliga dowladda, sharciyadda khidmadaha ay qaadaan hay’adaha kala duwan, iyo sida lacagahaas loogu diiwaangeliyo miisaaniyadda dalka.

Dhinaca kale, illaa iyo hadda ma jiro wax war ah ama jawaab rasmi ah oo maamulka CID-du ka bixiyeen eedeymahaas baarlamaanka laga jeediyey.

 AXADLETM

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes