U bood qoraalka
Sunday, November 15, 2026 4 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Isha 18:55
Muqdisho 27°C
Deg-deg: Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimadii federaalka lagu soo koobay awood shaqsiyeed
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimadii federaalka lagu soo koobay awood shaqsiyeed

Follow
Newsroom published Updated 31 minutes ago 3-minute read
Xasan Sheekh: Dowladnimadii federaalka oo lagu soo koobay awood shaqsiyeed

Dhaar-dhaqameedkii iyo xil-la-wareegistii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee hoggaanka dalka Soomaaliya waxay si buuxda ugu qotomeen Dastuurkii KMG ahaa ee 2012. Hoggaaminta uu dalka kula wareegay waxay ku dhisnayd nidaam federaal ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah, kuwaas oo tiirarkoodu ahaayeen is-afgarad siyaasadeed, awood-qaybsi caddaalad ah iyo adkeynta wadajirka ummadda.

Yeelkeeda, xaaladda dhabta ah ee maanta jirta waxay muujinaysaa in Xasan Sheekh uu nidaamkii federaalka ku koobay koox gaar ah oo hareerihiisa wareegta, caasimadda dalka, xisbi gaar ah iyo geeddi-socod doorasho oo aysan waxba ka ogeyn Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo gobolka Hiiraan, maadaama ay maamulladaasi si qayaxan uga soo horjeesteen tubta iyo hannaanka uu dalka ku wado.

Dhismihii dowladnimo ee lagu soo unkay is-afgaradka iyo wadar-ogolka qaran ayaa maanta khatar ballaaran ku sugan. Waxaa sii lunsanaya kalsoonidii siyaasadeed, wada-shaqayntii tiirka u ahayd federaalka iyo mabda’ii ku dhisnaa in dalka lagu hago wadatashi iyo heshiis. Qaddiyadda iyo masiirka Soomaaliya ma noqon karaan kuwo hal hoggaamiye ku takrifalo ama ay koox keli ahi maamusho, iyadoo dhinacyadii kale ee dalka laga fogeeyay go’aan-qaadashada masiiriga ah.

Waxaa xaaladda uga sii daraya qaabka uu Xasan Sheekh u maareynayo awoodaha dowladnimo. Waxaa si weyn u muuqata in go’aannadii iyo taladii dalku ay ku urureen xubno aad ugu dhow qoyskiisa. Gabdhaha uu dhalay ayaa la tilmaamaa inay yihiin la-taliyeyaashiisa ugu awoodda badan, halka wiilasha ay ilma-adeerka yihiin loo adeegsado dhex-galka iyo carqaladeynta siyaasiyiinta mucaaradka. Dhinaca kalena, mas’uuliyiintii dastuuriga ahaa ee ay ahayd inay hoggaanka dowladda safka hore kaga jiraan, sida Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka amniga, ayaa noqday kuwo aan lahayn awood dhab ah iyo go’aan-qaadasho siyaasadeed oo madax-bannaan.

Isweydiinta meesha taal ayaa ah: dowladnimadu ma hay’ado dastuuri ah iyo sharciyo qoran baa lagu maamulaa, mise waxay ku xiran tahay rabitaanka iyo doonista Madaxweynaha? Haddii Ra’iisul Wasaarihii dalku uusan awood u lahayn inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, wasiirradu aysan talo ku lahayn wasaaradahooda, dowlad-goboleedyadiina laga reebay talada masiiriga ah ee qaranka, maxaa markaas ka haray hannaankii federaalka ee lagu heshiiyey?

Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gartaa in Soomaaliya aysan ahayn hanti gaar loo leeyahay, maamulka dalkuna uusan ahayn awood uu shakhsi kaligiis u maamulan karo sida uu rabo. Madaxweynaha waxaa loo doortay inuu dhowro dalka, dastuurka iyo wadajirka hay’adaha dowladda, ee looma igman inuu bulshada u kala qaybiyo kuwo taageersan isaga iyo kuwo aragti ahaan ka soo horjeeda.

Soomaaliya waxay maanta baahi weyn u qabtaa hoggaan ummadda mideeya, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, dastuur heshiis lagu yahay iyo nidaam federaal ah oo dhulka Soomaaliyeed oo dhan si siman ugu qaybiya xuquuqda iyo mas’uuliyadda.

Alle ha inaga badbaadiyo in tallaabooyinka Xasan Sheekh ay god mugdi ah ku ridaan Jamhuuriyaddii Saddexaad ee Soomaaliya. Dalku wuu ka weyn yahay qof kasta oo xil haya, dowladnimaduna waxay mar walba ka sarreysaa dano gaar ah iyo kuwo kooxeed.

___________________________

[email protected]

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes