Skip to content
Friday, October 30, 2026 18 Jumada al-Ula 1448 AH Asr 15:03
Muqdisho 29°C
Breaking: Soomaaliya oo dhex-dhexaad ka noqon doonta khilaafka u dhexeeya Ethiopia iyo Eritrea, sida uu sheegay madaxweynaha
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Waqooyi Bari oo sheegtay in dowladda Federaalka ay deeqaha waxbarasho u diidday ardayda Waqooyi Bari

Follow
Newsroom published Updated 2 years ago 1-minute read
Puntland oo sheegtay in dowladda Federaalka ay deeqaha waxbarasho u diidday ardayda Puntland

Isniin, September, 9, 2024 (AX) – Waqooyi Bari ayaa sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ardayda  reer Waqooyi Bari u diidday deeqaha waxbarasho ee caalamka looga helo magaca Soomaaliyeed.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Waqooyi Bari, Cabdirisaaq Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay deeqaha waxbarasho inay qeyb ka yihiin mashaariicda dowladda Federaalka ay ka hor istaagtay dadka reer Waqooyi Bari sida uu hadalka u dhigay masuulkan.

- Advertisement -

Agaasimaha tacliinta sare wuxuu sheegay in dowladda Ethiopia ay deeq waxbarasho siisay ardayda Waqooyi Bari, isagoo uga mahad celiyay, sidoo kale wuxuu sheegay, ganacsatada Waqooyi Bari ee Uganda ku nool inay damaanad qaadeen inay deeq waxbarasho oo dalka Uganda ah ka bixinayaan ardayda Waqooyi Bari.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay deeq waxbarasho siisay ardayda kaalimaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee heer federal.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa kamid ah maamulada sida gaarka ah loogu qoondeeyay deeqo waxbarasho oo dalka Masar ah.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes