Browsing Tag

Bari

Waqooyi Bari oo sheegtay in aysan jirin khatar xilligan kagasoo wajahan kooxda Daacish

 Khamiis, Juun, 20, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa meesha ka saaray khatarta ku saabsan in deeganadeeda ay kusii badanayaan kororka joogitaanka kooxda Daacish.Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Waqooyi Bari oo la hadlay warbaahinta AX ayaa u sheegay, in aysan jirin khatar amni oo xilligan Waqooyi Bari kagasoo wajahan Daacish, inkastoo ay sheegeen in Daacish ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Bari.Saraakiishan ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan warka ku saabsan in hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish…

Waqooyi Bari oo gacanta ku dhigtay taliyihii burcad badeeddii madax furashada ka qaatay markabkii MV Abdalla

Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Askarta booliska Waqooyi Bari ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada Galkacyo, ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre Jowfe oo 38 jir, kaasoo ahaa taliyihii markabka MV Abddalla.Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug…

Waqooyi Bari oo xukunno ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ku eedeysan inay sii daayeen Shabaab iyo Burcad badeed

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Waqooyi Bari ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa shan sano oo xarig ciidan ah.Waxaa lagu eedeeyay inay laaluush ku qaateen sii daynta maxaabiis ah isugu jiray Shabaab iyo Burcad…

Waqooyi Bari oo xirtay mid kamid ah burcad badeeddii weerartay markabka MV Abdullah

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Waqooyi Bari gacanta ku dhigeen.Askarta booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey maalmihii lasoo dhaafay.Booliiska waxay sheegeen inuu kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room, isaga oo markii…

Waqooyi Bari oo ku amartay dadka Itoobiyaanka ah ee Garowe ku sugan inay si degdeg uga baxaan

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Duqa degmada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garowe inay si degdeg ah uga baxaan, haddii kale in tallaabo laga qaadayo.Geeddi wuxuu sheegay, in la joogo waqtigii magaalada Garowe laga saari lahaa Itoobiyaanka sharci darrada ku jooga, isagoo ku hanjabay ciddii aan amarka qaadan in iyagoo xirxiran la saaridoono.“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka Itoobiyaanka ah ee magaalada ku jooga sharci darrada. In badan waxaan ku dadaalnay in…

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in dib loo fasaxay mashaariicdii ka xanibnayd maamulka Waqooyi Bari

Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa sheegay dowladda federaalku inay dib -u-bilowday mashaariicda horumarineed ee horay uga socday degaanada Waqooyi Bari.Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegay, in maamulka Waqooyi Bari uu horey si iskiis ah u hakiyay in mashaariicdan laga fuliyo degaanada Waqooyi Bari, balse hadda uu  ogolaaday in dib loo bilaabo.“Waxaan aad ugu faraxsanahay…

Waqooyi Bari oo beesha caalamka ka codsatay in taageeradeeda aan loo soo marsiin dowladda Federaalka

 Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Waqooyi Bari ayaa codsi degdeg ah u dirtay Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyagoo u gudbisay codsi ku aaddan in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada bani'aadantinimo, midda Horumarinta iyo taageerada Miisaaniyadda Soomaaliya.Waqooyi Bari waxay walaac xooggan ka muujisay inay dowladda federaalka Soomaaliya siyaasadayn xooggan ku sameysay kaalmada deeq-bixiyayaasha caalamka, iyo in taageero miisaaniyadeed lasoo mariyo bangiyada Waqooyi Bari.“Waxaan u kuurgalnay isbeddelka…

Ciidamada Waqooyi Bari oo Garowe kusoo bandhigay hub sharci darro ah iyo maandooriye

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Saraakiisha ciidanka amniga Waqooyi Bari iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay hub iyo maandooriye lagusoo qabtay howgallo malamihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Garowe.Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa warbaahinta u sheegay in ay magaalada Garowe ka nadiifiyeen hubkii sharci darrada ahaa ee shacabka gacanta ugu jiray.Guddoomiya ayaa sheegay in howgalka inta uu ku geeriyooday hal qof oo shacab ah iyo labo qof oo dhaawac…

PSF oo gacanta ku dhigtay labo ajaanib ah oo ka badbaaday duqayntii Maraykanka ee gobolka Bari

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Askarta nabad sugidda Waqooyi Bari ee lagu magacaabo PSF, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo kasoo jeeda dalka Tanzania.Labadan xubnood ayay ciidanka PSF sheegeen inay ka bad baadeen duqayntii uu todobaadkii hore  Maraykanku la beegsaday saldhig Daacish ay ku lahaayeen deegaanka Af-cas ee gobolka Bari,Labadan xubnood oo lagu kala magacaabo, Cimraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Nassor Saidi, ayaa lagasoo qabtay meel 30km u jirta degaanka ay ka dhacday…

Muumin Cabdi Shire : Xukumadda federaalka waxay dhaqaale ku bixisay in ammaanka Waqooyi Bari la qalqal galiyo

 Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) - Taliyaha ciidanka Booliiska maamulka Waqooyi Bari, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay lacago badan ku bixinayso qalqal galinta ammaanka Waqooyi Bari.Taliye Muumin ayaa sheegay, in dhawaan shirar ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyay in lacago lagu bixiyo sidii ammaanka Waqooyi Bari loo qalqalgalin lahaa.“Waxyaalaha dareenka leh waxaa kamid ah, in ciidamo lacag la siinayo, maleyshiyaad lagu abuuro Waqooyi Bari, ka bacdina ay qalalaase…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More