Muqdisho (AX) – Soomaaliya ayaa gaartay heshiis ay la yeelatay Jaamacadda University of Doha for Science and Technology (UDST) ee fadhigeedu yahay Doha, si ay gacan uga geysato dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyadda ee dalka (Jaamacadda TUS), iyadoo iskaashigan looga golleeyahay ballaarinta waxbarashada farsamo ee heerka sare ah.
Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, agaasimaha guud ee waxbarashada sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, ayaa heshiiska ku saxiixay Doha isagoo wakiil ka ah wasaaradda. UDST waxaa matalayay madaxweyne ku xigeenkeeda dhinaca waxbarashada, Prof. Rashid Benlamri.
Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, safiirka dalka ee Qatar, iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan UDST ayaa ka qeyb galay munaasabadda saxiixa.
Heshiiskan ayaa dejinaya qaab-dhismeed lagu abuuro jaamacad u heellan bixinta waxbarasho farsamo iyo xirfadeed oo tayo sare leh. UDST ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dejinta manhajka, horumarinta macallimiinta, hubinta tayada, iyo shahaado-siinta inta ay hay’addu qaabeysaneyso.
Marxaladda koowaad ee mashruuca, Jaamacadda TUS waxay diiradda saari doontaa tiknoolajiyadda, culuumta badaha, duulista, batroolka, injineernimada, tamarta iyo maareynta caafimaadka. Qeybaha la xushay waxaa loogu talagalay in lagu ballaariyo aqoonta farsamo iyo awoodaha xirfadeed ee dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Hindisahan wuxuu qayb ka yahay Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya 2025–2029, wuxuuna doonayaa in la hagaajiyo tayada waxbarashada iyadoo la horumarinayo xirfado la jaanqaadaya baahiyaha suuqa shaqada. Ahmiyad gaar ah ayaa la siin doonaa tababarka macallimiinta Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadan doona maamulka iyo shaqaalaha tacliimeed ee jaamacadda cusub,” ayay wasaaraddu tiri.
Wasaaraddu waxay sidoo kale uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya.