U bood qoraalka
Wednesday, October 28, 2026 16 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 24°C
Deg-deg: Ebola oo ku fidaysa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo qoysasku la halgamayaan sidii ay naftooda u quudin lahaayeen
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Mareykanka oo Farmaajo uga digay halis ku gadaaman doorashad…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Axadle u sheegay in kulan qarsoodi ah ay yeesheen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Saraakiisha la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wareejiyay warqad ay ku cadeed in Al-Shabaab ay Muqdisho kawadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu xooganaa ee doorashada Soomaaliya islamarkaana ay u yeereen dhaqanka, ganacsatada, Barayaasha iyo qof kasta oo ay u arkaan in ay soo geli karaan ergadad doorashada.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay loo sheegay in haddii Al-Shabaab ay soo galaan siyaasadda Soomaaliya ama xildhibaano helaan ay noqon doonto halis amni oo aad u weyn, taasi oo mas’uuliyaddeda ay qaadi doonaan madaxda hadda joogta.

Sidoo kale saraakiishaan ka socotay Africom ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu ku fashilmay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay xoogeysteen afartii sano ee la soo dhaafay awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in dowladdiisa ay qaado talaabooyin cad cad oo arrintaan wax looga qabanayo. Waxyaabaha dowladiisa lagu dhaliilay ee dhinaca ammaanka waxaa kamid ah in aysan waxba ka qaban dadka ay Al-Shabaab u wacayaan iyo goobaha dadka loogu yeero. 

Waxaa aad usoo kordhaya walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay soo galaan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto in qeyb ka noqdaan madaxda dalka ugu sarreysa, islamarkaana wax ka gaara go’aanada masiiriga ah.  

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes