DHUUSAMAREEB – Xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, geeddisocodka doorashooyinka iyo adkaynta nabadgelyada ayaa udub-dhexaad u ahaa wadahadal dhanka taleefanka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ruth Anne Stevens-Klitz.
Intii uu wadahadalku socday, labada mas’uul waxay si qoto-dheer u lafa-gureen doorka muhiimka ah ee dowlad-goboleedyadu ku leeyihiin xallinta tabashooyinka iyo murannada siyaasadeed ee taagan, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo wadatashiyada iyo wax-wada-qabsiga dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale falanqeeyay sidii loo gaari lahaa is-afgarad qaran oo saldhig adag u noqda xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta hannaanka dowlad-dhiska ee dalka oo dhan.
Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa dhankiisa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay garab-istaagga hagar-la’aanta ah ee ay siiso maamulka, gaar ahaan taageerada ku aaddan xoojinta amniga, xasilinta iyo mashaariicda horumarineed.
Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay lagama-maarmaan u tahay joogteynta iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Galmudug iyo Mareykanka, kaas oo gacan weyn ka geysanaya xaqiijinta nabadgelyada buuxda iyo mustaqbalka horumarineed ee deegaannada maamulka.
AXADLETM