Hogaamiye Biixi oo sheegay in uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya

Jimco, September, 6, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya.
Hogaamiyaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo.

“MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar maanta ee ciidanka Masaarida keentay waxan leeyahay laba hal isma qabtaan, Soomaali ayaanu midaynaynaa oo Xabashi ayaanu la dagaalamayna iyo Masar ayaan keenayaa oo Gobaladda Waqooyi ayaan burburinayaa” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.

Waxa uu sheegay in uu ka shaqaynayo danta Gobaladda Waqooyi, oo anay noqon doonin meel ay Masar danaheeda ku fushato, isaga oo sheegay in Itoobiya anay colaysan karin Gobaladda Waqooyi oo jaarkeeda ah oo anay la heshiin karin Masar.

Waxa uu sheegay in dad Soomaali ah oo kasoo jeeda Kenya iyo Itoobiya ay kasoo horjeedaan heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay ku imaan qabaan waddamada ay ka tirsanyihiin.
Heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa colaad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo Itoobiya ay markale ka cadhootay ciidamada Masaarida ee la rajaynayo in ay Soomaaliya yimaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More