Nairobi (ICRC) – Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa dharbaaxo cimilo oo laga yaabo inay ba’an tahay, iyadoo khubaradu ka digayaan in dhacdo El Niño ah oo rikoodh jabisa ay keeni karto fatahaado daran inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Diseembar.
Tuulada Bayahaaw, oo ku taalla bannaanka magaalada Jowhar ee bartamaha Soomaaliya, beeralaydu waxay wajahaan doorasho aan suurtagal ahayn: inay beerahooda abuuraan oo ay halis u galaan in biyaha fatahaaddu dalagyada baabi’iyaan, ama inay ka tagaan iyagoo aan beerin oo ay sannadka dambe wajahaan gaajo.
- Advertisement -
Nuh Adan, oo ah beeraley iyo hoggaamiye bulsho oo Bayahaaw ah, wuxuu ka walaacsan yahay in jebitaan ka dhaca jiinka webiga uu curyaamin karo wax-soo-saarka beeraha muddo bilo ah.
“Haddii webigu jabo oo fatahaaduhu na soo gaaraan, saameyntu waxay sii jiri doontaa ilaa xilliga roobka xiga ee bisha Maarso,” ayuu Adan yiri.
Hanjabaaddan waxay xusuusinaysaa burburkii 2023, markii fatahaaduhu saameeyeen ku dhowaad laba milyan oo qof isla markaana ay barakiciyeen in ka badan 500,000 qof oo ku kala nool Soomaaliya. Hareeraha webiyada Shabeelle iyo Jubba, biyo-xireennada jabay ayaa mar kale baabi’in kara ilaha nololeed isla markaana qarin kara tuulooyin dhan. Hase yeeshee, beeralaydu ma awoodaan inay dib u dhigaan beerista.
“Waxaan aragnay sabuullo galley ah oo aan weli si buuxda u bislaan, oo u baahnaa keliya 15 ilaa 25 maalmood si loogu diyaar garoobo goosashada, balse fatahaaduhu baabi’iyeen,” ayuu Adan yiri. “Waxaana nagu qasab ahayd inaan khasaaraha aqbalno. Laakiin ka tagista beeruhu doorasho ma aha.”
Falanqayntii ugu dambeysay ee Kala-soocidda Isku-dhafka ah ee Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC) ayaa ka digaysa in roobab ka sarreeya celceliska iyo fatahaadaha ka dhasha ay uga sii dari karaan gaajada guud ahaan Soomaaliya. Dadka ugu nugul waxaa ka mid ah 3.3 milyan oo qof oo ku nool deegaannada barakacayaasha ee aan rasmiga ahayn, halkaas oo roobab culus ay keeni karaan marxalad kale oo dhibaato daran ah.
Xeryo badan waxaa deggan qoysas colaado ku barakacay, kuwaas oo ku nool dhismayaal ciriiri ah oo laga sameeyay ulo, haraadiga maryaha iyo jiingado. Helitaanka biyo nadiif ah waa xaddidan yahay, halka adeegyada fayadhowrka ku filan inta badan aan la heli karin.
“Aad ayaan uga argagaxsanahay roobabka soo socda,” ayay tiri Kamillo Muse oo 59 jir ah, kana nool xerada barakacayaasha Ceeynu Nasri ee Jowhar. “Saddex sano oo aynaan helin roob wanaagsan ka dib, waxay u muuqataa inuu markan kusoo noqonayo aargoosi.”
“Haddii uu roob xooggan da’o, iska illooba dadka ku nool xeryaha barakacayaasha. Xitaa dadka ku nool guryo hagaagsan ayaa lagu qasbi doonaa inay cararaan. Haddaba maxaad filaysaan inay nagu dhacdo annaga ku nool xeryaha?” ayay raacisay.
Hay’adaha gargaarka bani’aadamnimo ayaa hadda heegan ku jira, iyagoo hirgelinaya tallaabooyin saadaal ku salaysan kana faa’iidaysanaya casharradii laga bartay fatahaadihii 2023, si loo yareeyo waxyeellada ka hor inta aanay heerarka biyuhu kicin. Hase yeeshee, awooddooda wax-ka-qabasho waxaa si weyn u wiiqay dhimista ballaaran ee maalgelinta ka dhacday waaxda gargaarka bani’aadamnimo.
“Diyaargarow ka wanaagsan iyo xog ka wanaagsan. Taasi waa warka wanaagsan marka loo eego 2023,” ayuu yiri Antoine Grand, oo ah madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya. “Warka xunna waa in maalgelinta iyo awoodda gargaarka bani’aadamnimo guud ahaan ay si weyn hoos ugu dhaceen.”
ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa isu diyaarinaya fatahaado suurtagal ah iyagoo qaybinaya jawaano ciid ah, isla markaana dhigaya bacaha teendhooyinka, shabaqyada kaneecada iyo agabka nadaafadda meelaha khatartu ka jirto. Hay’aduhu waxay sidoo kale dib u buuxinayaan kaydka daawooyinka iyo nafaqada ee xarumaha caafimaadka ee ay taageeraan, si ay uga caawiyaan inay sii shaqeeyaan. Intaa waxaa dheer, mutadawiciinta SRCS ee Kismaayo, Baardheere, Jowhar iyo Beledweyne ayaa qaatay tababar ku saabsan doomaha si ay uga jawaabi karaan xaaladaha degdegga ah ee fatahaadaha.
Waa maxay El Niño?
El Niño waa hab-cimilo soo noqnoqda oo ka bilaabma Badweynta Baasifigga ee dhulbaraha, kana carqaladeyn kara nidaamyada cimilada dunida oo dhan, isagoo meelo qaar ka dhaliya abaar, halka meelo kalena uu ka keeno roobab aan caadi ahayn oo culus. Soomaaliya gudaheeda, waxa uu xoojin karaa roobabka Deyrta ee Oktoobar–Diseembar 2026, taas oo kordhinaysa halista fatahaadaha daran, gaar ahaan hareeraha webiyada Shabeelle iyo Jubba.