Neymar JR ayaa meesha ka saaray inuu ka tagayo PSG
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Junior ayaa shaaca ka qaaday mustaqbalkiisa kooxda xilli ay jiraan warar sheegaya in uu ka tagayo garoonka Parc des Princes.Neymar ayaa kooxdiisa ka caawiyay inay hogaanka u qabato Group H ka dib markii ay 5-1 kaga badiyeen xalay kooxda Istanbul Basaksehir.Neymar ayaa dhawaan qirtay rabitaankiisa ah inuu markale la ciyaaro Lionel Messi, oo ay waqti wacan la qaateen Barcelona.Hadalka Neymar ayaa u muuqda mid la jaan qaadaya rabitaankiisa ah inuu Messi u ciyaaro…