Trump oo shaqada ka eryay sarkaal ka tirsan guddiga

Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka eryay sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada kaas oo ka hor yimid sheegashada Trump ee aheyd in doorashada lagu shubtay.

Trump wuxuu sheegay in shaqada uu ka joojiyay madaxii guddiga doorashada u qaabilsanaa amniga internetka Chris Krebs isla markaana uu jeediyay ‘hadallo khalad ah’ oo ku saabsan hufnaanta codeynta.

Hogaamiye Trump wuxuu diiday in uu aqbalo natiijada doorashada, wuxuuna jeediyay hadallo aan xaqiiq aheyn oo ku saabsan in codadka looga shubtay.

Saraakiisha guddiga doorashada waxay sheegeen inay ‘aheyd doorashadii ugu amniga badneyd’ ee ka dhacda Mareykanka sida ku xusan taariikhda dalkaas.

Chris Krebs ayaa kamid noqonayaa saraakiishii ugu dambeysay ee uu xilka ka qaaday Trump kaddib markii looga guuleystay doorashada, waxaana kamid ahaa xoghayihii gaashaandhigga Mark Esper.

Sidoo kale waxaa jraa warar laisla dhexmarayo oo sheegayo, in inta Trump uu xilka ka degin la filayo in uu shaqada ka eryo agaasimeyaasha FBI-da iyo CIA-ada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More