Gonzalo Higuain Oo Magacaabay SADDEXDA Xiddig Ee Ugu Fiican

Weeraryahanka reer Argentina ee Gonzalo Higuain  ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan dunida waqtigan, waxaanu meeliska dhigay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo aanu kusoo darin liiskiisa.

Gonzalo Higuain oo waqtigan u ciyaara kooxda Maraykanka ka dhisan ee Inter Miami ee uu iska leeyahay David Beckham oo uu ku biiray xagaagii, ayaa waxa uu ka mid yahay 13 ciyaartoy oo nasiibku siiyey inay ka garab ciyaaraan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi labadaba.

Labadan ciyaartoy oo 11 sannadood iska bed-bedelayay abaal-marinta xiddiga caalamka ugu fiican ee Ballon d’Or oo Messi uu hantiyey lix jeer, shanta kalena uu Ronaldo qaatay ayaa hoos u dhac laga dareemayaa xili ciyaareedkan iyo midkii ka horreeyeyba.

Inkasta oo ay wali yihiin xiddigaha loogu hadal haynta badan yahay, haddana Gonzalo Higuain  waxa uu sheegay in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo aanay ahayn xiddigaha maanta ugu fiican dunida, balse ay jiraan laacibiin kale oo ka sarraysa.

Isaga oo la hadlayay telefishanka ESPN, ayaa Gonzalo Higuain  la weydiiyey saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan waqtigan la joogo, waxaanu ku jawaabay: “Waqti xaadirkan, aniga waxay ila tahay, inay ugu wanaagsan yihiin Lewandowski, Haaland iyo Benzema. Benzema wuxuu halkaa joogay waqti dheer oo 12 sannadood ah oo uu figta sare joogay.

“Lewandowski, waa ciyaartoy, dhaliye iyo guuleyste. Haaland waa ciyaartoy wanaagsan oo soo baxaya, mustaqbal weyna leh. In badan ayuu aniga iga yaabiyey, waa weeraryahan aad u wanaagsan.”

Higuain oo kar kale la weydiiyey weeraryahannadii ugu wanaagsanaa jiilkan ayaa waxa uu ka gaabsaday inuu soo qaado labadan ciyaartoy ee sare, waxaanu yidhi: “Taariikhda, waxaynu ku haysanaa Suarez, Lewandowski, Cavani, Benzema, David Villa, Ibrahimovic. Laakiin weeraryahanka ugu wanaagsan markaynu ka hadlayno, waa midkii hibada lahaa ee Ronaldo Nazario. Mar walba waxaan doonayay inaan Ronaldo noqdo, mar walbana waxaan isku dayi jiray inaan xirfaddiisa soo minguuriyo.

Xiddigan reer Argentina ayaa intaas kaddib si toos ah loo weydiiyey aragtidiisa Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Waa mucjiso. Wax kasta (ciyaartiisa) waa dabiici. Sidan ayuu u dhashay, dhiiggiisa (DNA) ayay ku jirtaa, wax kasta dedaal la’aan ayuu ku sameeyaa. Dadku wax kasta way u dagaallamaan, laakiin Leo isaga waa dabiici, taas ayaa ka dhigtay mid gaar ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More