Jubbaland: DFS waxa ay hub, Gaadiid & Ciidan cusub geystay Gedo
Warsaxaafadeed kasoo baxay DG Jubbaland ayaa looga hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka, Gaadiidka & Hubka cusub ee Jimcihii 19-ka Maarso 2021 la geeyay Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Doolow.
Qoraalka DG Jubbaland ayaa nasiib darro lagu tilmaamay in Gobolka Gedo oo dadka degen la dhibaateysan Abaarta heysata Dowladda Federaalka ku kordhiso ciidankeeda halkii gurmad la siin lahaa shacabka.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay DG Jubbaland ayaa lagu daray in gulufka colaadeed wixii ka dhasha uu dusha saaranayo Madaxweynaha…