Somaliland oo maanta bilaabeysa Tallaalka Covid-19
Deegaannada Somaliland waxaa maanta oo Sabti ah kuna beegan 20-ka Maarso 2021 ka bilaabanaya Tallaalka Covid-19 ee looga hortagayo faafitaanka Xannuunka safmarka ah ee galaaftay nolosha malaayiin ruux guud ahaan Caalamka.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in mas’uuliyiin kala duwan lagu bilaabayo tallaalka Covid-19 kahor inta aan la mudin (La durin) Shaqaalaha Caafimaadka, howlwadeennada kala duwan & ciidamada ammaanka.
Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland oo la geeyay Tallaalka ayaa laga bilaabayaa, waxaana daah-furaya mas’uuliyiin katirsan Xisbiga Talada haya ee Kulmiye sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Todobaadyadii lasoo dhaafay kiisas kala duwan oo xannuunka Covid-19 ah ayaa laga helay Deegaannada Somaliland kadib markii baaris lagu sameeyay dad looga shakiyay in uu haleeyay fayruska.
Dadka uu ku dhacay Coronavirus waxaa kamid ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mas’uuliyiin kale & Shacab, waxaana jirkooda laga daweenayaa fayruska u gudbay si ay u helaan soo kabasho jireed.
Mustaqbal