Madaxtooyada Soomaaliya oo Madax Goboleedyada kulan isugu yeertay! –

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya xalay xilli dambe waqtiga geeska Afrika ayaa lagu shaaciyay kulan ay isu imaanayaan Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada si looga hadlo ka gudubka caqabadaha hortaagan heshiiska ay ka gaareen arrimaha Doorashooyinka dalka 17-kii September 2020.

Warka kasoo baxay Villa Somalia oo u muuqda in uu jawaab u yahay canaanta Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ee la xiriirta in dhinacyada saxiixay heshiiskaas degdeg fadhiga isugu yimaadaan si ay ficil ugu rogaan wadahadalka afka aan soo dhaafin.

Kulanka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku muddeysan 22-ka Maarso 2021 oo ah Isniinta maalin kadib, waxaana ay u qorsheysay Villa Somalia in wadaxaajoodkaas uu socdo muddo labo cishe ah inkasta oo qabsoomiddiisa la su’aal gelinayo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada.

“Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020” ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay Villa Somalia.

Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu soo gaba-gabeeyay “Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah”.

6-jeer waxaa baaqday kulamo uu iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febaraayo 2021 kadib markii Madax Goboleedyada Puntland & Jubbaland ay shuruudo ku xireen ka qaybgalka kulankaas.

Muqdisho ayay joogaan Axmed Madoobe & Siciid Deni, waxaana ay qayb ka noqdeen dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee culeyska lagu saarayo Hay’adaha Dowladda ee muddo sharciyeedka 4-ta sano ah ka dhammaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More