Zidane Oo Shaaciyey In Real Madrid La Xaqirayo, Waxa Uu Ka Yidhi
Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa ka hadlay kulanka ay Salaasada kooxdiisu ku qaabbilayso Liverpool oo ay lugta hore ee wareegga 16ka ku wada ciyaari doonaan Alfredo Di Stefano ka hor inta aanay Anfield tegin usbuuca dambe.Zidane waxa uu sheegay in kooxdiisa aan xilli ciyaareedkan la siinin qiimayntii ay mudnayd oo hoos loo dhigayo shaqada ay qabatay iyo tayadeeda, waxaanu difaacay heerka ay taagan yihiin iyagoo horyaalka saddex dhibcood oo kaliya ka dambeeya Atletico Madrid oo hoggaanka haysa, hal dhibicna ka…