Waa Kuwan LABADA Caqabadood Ee Xalkooda Laga Sugayo Arsenal
Kooxda ree London ee Arsenal ayay jiraan laba shaqo oo u yaala lagana sugayo inay xaliso haddiiba ay doonayso inay samayso saxeexa riyada u ah tababare Mikel Arteta ee Houssem Aouar oo kooxda ree France ee Lyon ka tirsan.Arsenal ayaan u muuqan mid shan saxeex ku dhammaysan karta gudaha suuqan maadaama oo Aouar uu muhiimadooda koowaad noqday hadda oo ay isaga ka doorbidayaan Thomas Partey oo Atletico Madrid qayb ka ah.Arsenal ayaa qaab wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ilaa ay guuldarro 3-1…