Wasiir Dubbe oo fahfaahiyey xilliga la qabanayo
Wasiirka warfaanta xukuumadda xil-gaarsiinta, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa wuxuu warbaahinta uga warbixiyey shirka u furmay Farmaajo iyo madaxweyne-yaasha DG Koofur Galbeed, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Dubbe ayaa sheegay in shirka u bilowday madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey, DG qaarkood iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Ajendaha shirka maanta ayuu ka dhawaajiyey in uu ahaa isu soo dhowaanshiyo kahor wadatashiga guud oo uu tilmaamay in maalinta labaad oo berri ku beegan ay madaxda ka doodi doonto.
Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubaland oo ka maqnaa shirkii maanta ayuu rajeeyay in ay kusoo biiraan maalinta labaad “si qof walba gobolkiisa u aado una gudagalo doorashooyinka.
Wasiirka warfaafinta xukumadda Xilgaarsiinta ayaa sheegay in shirkaan uu saabsanyahay “ayidida” iyo “fulinta” heshiisyadii hore ee madaxdu ka gaartay khilaafka doorashooyinka.
Wasiir, Dubbe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Jubaland looga yeeray xarunta safaarada Mareykanka isla markaana halkaas lagu wada hadal-siinayo.