Youri Tielemans Oo Sharraxay SIRTII Ka Caawisay In
Xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans ayaa sharraxaad ka bixiyey sirtii kooxdiisa Leicester City ka caawisay in tartanka FA Cup ay ka cidhib-tiraan Manchester United oo wareeggii siddeedda ay si xun ugu karbaasheen Axaddii.
United ayaa si daansho-daanshood ah kusoo gaadhay wareegga siddeedda ee FA Cup, laakiin Leicester City oo ay isku beegmeen ayaa si xun u jiid-jiidday, isla markaana ku garaacday 3-1.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankan isbeddel badan ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray AC Milan ee Khamiistii guusha kala soo laabatay San Siro, waxaanu keenay ciyaartooyo aan kulankaas kusoo bilaabanin si uu u firfircoonaysiiyo naadiga.
Laakiin sidaas oo ay tahay waxay ku guul-darraysteen in ay la yimaaddaan ciyaar iska caabbiyi karta dardarta ay ku socotay Youri Tielemans iyadoo Fred iyo Maguire ay ahaayeen kuwa fartu ku godnayd ee ay inta ugu badan dhibaatadu ka imanaysay.
Youri Tielemans oo Leicester City u dhaliyey goolka labaad oo uu lasoo dhex qaaday difaaca ka hor intii aanu laad awood badan dhaafinin goolhayaha ayaa sharraxay sirtii ay guusha ku heshay kooxdiisu.
Laacibkan ayaa sheegay in kooxdiisu ay soo nasatay oo ay ka firfircoonayd Manchester United, taasina siisay tamar dheeraad ah iyo in ay gacanta sare ku yeelato ciyaarta.
Youri Tielemans oo arrintan sharraxaya ayaa yidhi: “Waxaanu ogayn in ay Khamiistii ka yimaaddaan ciyaartii Europa League oo ay degdeg ku ahayd in ay kasoo kabtaan. Waxay dheeleen kulamo badan.
“Waxaanu ogayn in qaybta hore iyo sidoo kale qaybta dambe aanu culays sare ku saari karayno garoonka dhexdiisa, si fiican ayaanay noogu shaqaysay.
“Waa guul weyn marka aad libinta hesho wareegga siddeedda, mar walba waa guul weyn. Marka aad koox sidan u wanaagsan ka badisana waad garanaysaa in ay tahay ciyaar adag balse fiicnayd.
“Gool ayaanu la hormarnay, mid ayaanay dhaliyeen laakiin waxa aan anigu dareemay in aanu ciyaaarta oo dhan maamulayno, kaddibna waxaanu ka dhalinay laba gool oo wanaagsan qaybtii dambe. Waxaanu sii wadnay in aanu si isku-duuban u shaqayno, laymankana si adag u istaagno.
“Guul kasta oo koobka ahi waa cajiib. Manchester United waa koox wanaagsan oo taariikh badan. Waanu ognahay in koobabka ay tahay in kooxaha ugu wanaagsan aanu ku garaacno si aanu ugu socon karno halka aanu doonayno. Manata (Shalay) waxaanu bixinay farriin wanaagsan, waana in aanu sii wadno.”