Xiddigii Neymar Ka Hor Joogsaday Inuu Kusoo Laabto
Eric Abidal ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay dib ula soo saxeexan karaysay xiddiga reer Brazil ee Neymar, arrintaasina uu ka shaqeeyey markii uu safar ku tegay magaalada Paris oo ay wada-hadallo kusoo yeesheen Leonardo, hase yeeshee uu qorshahaasi fashilmay oo ay ugu dambayntii lasoo saxeexdeen Antoine Griezmann.Xagaagii 2019kii ayuu Eric Abidal oo ahaa agaasimaha kubadda cagta ee Barcelona, waxa uu u dhowaa in kooxda uu dib ugu soo celiyo Neymar, laakiin Griezmann ayaa sabab u noqday in laacibka reer Brazil uu iman…