Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa garoonka laga saaray daqiiqaddii 87aad ee kulankii kooxdiisu ay 3-1 ku karbaashtay Metz fiidkii hore ee xalay, kaddib markii uu soo gaadhay dhaawac.Weeraryahankan ayaa kooxdiisa PSG u dhaliyey laba ka mid ah goolasha ay kooxdiisu ku badisay, laakiin nasiib-darro waxa uu garoonka ka baxay daqiiqado kooban iyadoo ay ka hadhsan yihiin dhamaadka.Kylian Mbappe oo isku dayaya inuu kubadda la dhaafo Habib Maiga daqiiqaddii 83aad, ayuu dhaawac kasoo gaadhay muruqa, waxaana lagu soo beddelay…