DAGAALKA SUUQA: Liverpool, Man United Iyo Kooxaha Waaweyn Ee Premier

Kooxaha waaweyn ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dagaallamaya saxeexa difaacii ugu fiicnaa Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore ee Cristian Romero oo Juventus ka tirsan, balse amaah ugu maqnaa Atalanta labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.

Romeo oo ud ahsay waddanka Talyaaniga ayey Juventus kasoo iibsatay kasoo iibsatay Genoa kaddib wacdaro uu ka dhigay gaoromada xilli ciyaareedkii 2018-19, laakiin marna uma ciyaarin Juve, iyadoo amaah lagu siiyey isla kooxdiisa hore ka hor intii aan laba sannadood oo iyaguna amaah ah aanu ku tegin Atalanta.

Xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday ee 2020-21 oo Atalanta ay wacdaro ka dhigtay garoomada, ayna ka mid noqotay afarta sare, waxa tiir dhexaad u ahaa Cristian Romero oo dhamaadkii xilli ciyaareedkana la guddoonsiiyey abaal-marinta difaacii ugu wanaagsanaa horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii tegay.

Heshiiska amaahda ah ee Atalanta ay kula soo wareegtay Romero ayaa waxa ku jiray qodob awood u siinaya inay si rasmi ah ula wareegi karto, waxaana la filayaa in qodobkaas ay fuliso Atalanta oo ay la wareego.

Si kastaba, Romero ayaa la filayaa in aanu kusii negaanin horyaalka Serie A, waxaana laga doonayaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, iyadii bilowgii ay xiise u muujisay Manchester United oo doonaysa difaac tayo leh oo ka garab ciyaara Harry Maguire.

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay ku doonayso laacibkan lacag dhan £50 milyan oo Gini, laakiin waxa iyaduna tartanka kula soo biiray Liverpool.

Wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa Talyaaniga ayaa sheegay, in labada kooxood ee Manchester United iyo Liverpool ay soo bandhigeen dalabyo xooggan oo ay ku doonayaan ciyaartoydan, laakiin ay iyaguna jiraan kooxo kale oo Premier League ah oo doonaya laacibkan balse aan dalabkooda dhabta ah soo gudbin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More