AC Milan Oo Kabtankeeda U Beddelaysa Xiddigii Badbaadiyey Nolosha

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa ka fikiraysa in ay isbeddel ku samayso kabtannadeeda, isla markaana calaamadda ay u xidho difaaceeda Simo Kjaer, kaddib markii uu badbaadiyey nolosha xiddiga ay isku waddanka yihiin ee Christian Eriksen, isla markaana hoggaamin cajiib ah soo bandhigay waqtigii murugada iyo qasku taagnaa ee Eriksen nolosha iyo geerida u dhexeeyey.

Simon Kjaer oo difaaca uga ciyaara xulka qaranka Denmark ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee taabtay Christian Eriksen markii uu dhulka ku dhacay ee uu koomada galay, waxaana uu si degdeg ah ugu yeedhay dhakhaatiirta isagoo dhinaca kalena toosiyey qoorta Eriksen oo si xun oo kala qalloocda dhulka ugu dhacday.

32 jirkan ayaa markiiba hubiyey in Eriksen uu carrabka calashanayo, waxaana kaddib uu bilaabay inuu soo rogo laacibkan oo qoortiisa ku toosiyo si uu ugu sii diyaariyo in qalabka neefsiga si degdeg ah loogu xidho. Hawshan oo dhan waxa uu sii qabtay intii aanay dhakhaatiirta garoonku soo gaadhin ee isagu uu dul-fadhiyey.

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta AC Milan ee uu laacibkani u ciyaaro ayaa baraha bulshada ka abuuray olole ay ku dalbanayaan in laga dhigo kabtanka kooxdaas, iyagoo Twitter-ka ku qarqiyey qoraal u dhignaa #KjaerCapitano.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa kusoo warramaya, in tababare Stefano Pioli iyo kooxdiisa tababarku ay ka arrinsanayaan in Simon Kjaer ay ka dhigaan kabtanka kooxda, isla markaana ay ka qaadaan Alessio Romagnoli oo ah kabtanka hadda.

Romagnoli ayaa kaydka ku jira inta u badan, waxaana la filayay in tababare Pioli uu kabtanka cusub ka dhigo goolhaye Gianluigi Donnarumma, laakiin laacibkan ayaa isaguna si bilaash ah kaga tegay naadiga.

Franck Kessie iyo Davide Calabria ayaa iyaguna rajaynayay in kabtanka rasmiga ah ee  kooxda loo magacaabo.

Si kastaba, Simon Kjaer ayaa hadda noqday ciyaartoyga kaalinta koowaad soo galay ee taageereyaashuna ay doonayaan inuu noqdo kabtanka kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More