Miyuu Riyad Mahrez Ku Biirayaa Arsenal? Mahrez Qudhiisa Oo Su’aashii
Garabka weerar ee kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa biyo qabaw ku shubay wararka la xidhiidhinaya bixitaan gaar ahaan kooxda kale ee Premier League ee Arsenal oo magaciisa lagu garab xusayay dhawaanahan.Riyad ayaa ah mid aqoon u leh tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta markii uu macalinka Gunners ahaa ku xigeenka Pep Guardiola ee Sky Blues.Inuu ku qanciyo Mahrez inuu kula soo biiro Arsenal ayaa shaqo adag uga baahan doonta Arteta xilli ay jiraan warar dhinacooda xusaya in Guardiola uu doonayo inuu iska iibiyo 30 sano…