N’Golo Kante Oo Shil Baabuur Galay, Layaabkii Ku Dhacay Ciyaaryahanadda Ka
Cesc Fabregas ayaa soo bandhigay qisada cajiibka ah ee uu goob-joogga uga soo noqday xiddiga reer France ee N’Golo Kante oo waqti dambe ay ku kulmeen Chelsea.
Laacibkan khadka dhexe ee qaab nololeedkiisa iyo akhlaaqdiisa suubban ee Diinta Islaamka ku dhaqankeedu ka muuqdo ay hadal-haynta badan ka abuureen dunida, ayaa waxa dadka la yaabay ka mid noqday Cesc Fabregas.
Halyeyga reer Spain ee Fabregas ayaa waxa uu ka sheekeeyey shil baabuur oo uu galay N’Golo Kante iyo arrin layaab lahayd oo ku xigtay.
Kante oo jidka maraya ayaa waxa isku dhacay baabuurkiisa yar ee Mini Copper-ka ah ee dadku ay ku maadsadaan, waxaana iyadoo uu kasoo dhaqaaqay goobtii shilka oo gaadhigiisa muraayad-haddu ka go’an tahay la kulmay taageereyaal, kuwaas oo ka dalbaday inuu sawirro la galo.
30 jirkan ayaa dabacsanaan layaableh muujiyey xilli laga yaabo in qofka kale ee xaaladdaas shilka ah oo kale ku lug yeeshay uu dareen kacsanaan iyo murugo leh geli lahaa, waxaana uu Kante si dhimirsanaan ah u istaajiyey gaadhiga, isagoo sawirro la galay taageereyaashii ka codsaday inuu u joogsado.
Cesc Fabregas oo arrintan ka sheekaynaya ayaa yidhi: “Qof kasta wuu ogyahay sida dhab ahaantii u yahay binu-aadam wanaagsan.
“Maalin maalaha ka mid ah, kooxda (Chelsea) ayaa kulantay subaxnimadii anagoo habeennimadaa ciyaarayna, qof kasta ayaa is-weydiiyey, ‘Mee N’Golo, xagee ayuu ka dhacay N’golo?’. Waqtigan waxa noo bilaabmayay shirkii caadiga ahaa ee looga bartay inuu xilligiisa ku yimaaddo.
“Ugu dambayntii wuu yimid, qof kastaana sacabka ayuu u tumay, Antonio Rudiger ayaana ku yidhi, ‘Maxaa kugu dhacay?’
“Waxa uu noo sheegay inay isku dhaceen baabuur kale, dadka qaarkoodna ay rumaysan waayeen in uu isaga yahay, kaddibna ay sawirro ka qaadanayeen, isaguna uu ixtiraam u muujiyey.
“Baabuurkiisa oo dhaawacyo badan ayaa soo gaadhay, waxaana go’nayd muraayada dhinaca oo uu kusoo xidhay xadhig, laakiin wali wuxuu u taagnaa sawirro, xataa iyadoo uu habsan yahay.”
N’Golo Kante ayaa mar la weydiiyey sida uu ku iibsaday baabuurkiisa yar ee laga maadsado ee Mini Cooper ee qiimaha aadka u jaban ah, kaas oo ay kaxaystaan dadka danyarta ah, halka isagu uu toddobaadkii mushahar ahaan uga qaato Chelsea lacag ku dhow 300,000 Gini.
“Wuxuu ahaa baabuurkii iigu horreeyey ee Ingiriiska aan ku iibsado. Waxa aan joogay Leicester City, qof ayaana igula taliyey Mini, waan isku dayay waanan ka helay, waanan iibsaday.”