Qorshaha Real Madrid Kula Soo Saxeexanayso Kylian Mbappe Iyo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa diyaarisay qorshihii ay kula soo wareegi lahayd weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo heshiiskiisa PSG ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya.

Los Blancos ayaa muddo badan lala xidhiidhinayay Kylian Mbappe, waxaana la rumaysan yahay inay ku riixayso laacibkan in aanu saxeexin heshiis cusub, si PSG ay ugu qasbanaato inay iibiso xagaagan, haddii kalena ay si bilaash ah ku heli doonaan xagaaga dambe.

Sida uu qoray wargeyska Diario AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa diyaariyey qorshihii uu Mbappe ku iman lahaa Santiago Bernabeu, waxaana durba  uu meel sii dhigay mushaharkiisa.

Real Madrid ayaa ka takhalusaysa dersin ciyaartoydeeda kooxda koowaad ah sida uu wargeyskani qoray, kuwaas oo qaar yihiin xiddigaha kaydka ku daalay iyo kuwo kale oo amaah ku maqan.

Kooxdan ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid oo sannadkii mushahar ku bixisa €414 milyan oo Euro oo €400 ka mid ah ay ciyaartoyda kooxda koowaad qaataan, ayaa waxay meesha ka saaraysaa €126 milyan, taas oo qayb ka mid ah ay noqon doonto mushaharka Kylian Mbappe uu ka qaadan doono kooxdan.

22 jirkan ayay Real Madrid u qorshaysay in sannadkii uu mushahar ahaan u qaato €30 milyan oo Gini oo ah lacagta uu waqtigan qaato Gareth Bale oo ku jira liiska ciyaartoyda ay Real Madrid sida rasmiga ah u fasaxayso xagaagan. Kaalinta labaad ee mushaharka Real Madrid waxa ku jira Sergio Ramos oo sannadkii xoogsada €25 milyan oo Euro.

Sergio Ramos ayuu qandaraaskiisu ku egyahay bishan June, waxaana Los Blancos u socda wada-hadallo aan wali dhinacna u dhicin laakiin ay aad u kala aragti duwan yihiin labada dhinac.

Raphael Varane oo mushaharkiisu sannadkii yahay €12 milyan oo Euro, sannad kali ahina ka hadhsan yahay dhamaadka qandaraaskiisa ayaa dalbanaya in loo laban-laabo mushaharka si uu kooxda usii joogo, taas oo Florentino Perez uu ka gaws-adaygayo, waxaana la filayaa in la iibiyo Varane oo ay doonayaan kooxo ay ku jiraan PSG iyo Manchester United.

Lacagta ay ka samayso Varane, waxay Real Madrid u adeegsan doontaa inay qayb ka noqoto malaayiinta Euro ee ay kusoo iibsanayso Mbappe.

Waxa kale oo ay Real Madrid fasaxaysaa sida Diario AS uu qoray, Isco oo mushaharkiisu yahay €14 milyan, Luka Jovic oo amaah ku maqan €10 milyan oo Euro na qaata, Mariano Diaz oo €9 milyan xoogsada iyo Alvaro Odriozola oo €7 milyan u xaadira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More