TAATIIKH: Szczesny Oo Noqday Goolhayihii Ugu Horreeyey Taariikhda EURO

Goolhayaha Juventus ee Wojciech Szczesny ayaa baal madow ka galay taariikhda qaramada Yurub isagoo noqday goolhayihii ugu horreeyey ee abid tartanka qaramada Yurub gool iska dhaliya.

Wojciech Szczesny oo goolka ugu jiray waddankiisa Poland ayaa iska dhaliyey gool kulankii guul-darradu kasoo gaadhay dalkiisa ee Slovania ay ku garaacday 2-1.

Xulka qaranka Poland oo uu hoggaaminayay Robert Lewandowski ayaa la saadaalinayay inay ka guuleysan doonaan Slovakia, laakiin taasi ma dhicin, waxaana loo xambaariyey guul-darro ay ku bilowdeen tartanka qaramada Yurub.

Guul-darrada soo gaadhay Slovakia waxa qayb weyn ku lahaa goolhaye Wojciech Szczesny oo daqiiqaddii 17aad iska dhaliyey gool, xilli uu isku dayayay inuu badbaadiyo kubbad.

Kubbad dhulka socotay oo uu soo laaday Robert Mak oo dhinaca bidix kasoo galay xerada ganaaxa ayaa uu goolhaye Wojciech Szczesny isku tuuray, laakiin nasiib-darradiisa kubadda oo ku dhacday kubadda dibna usoo noqotay ayaa madaxa kaga dhacday, waxaanay dib ugu noqotay goolkiisa, sidaas ayaanay diiwaanka ugu gashay rikoodhkaas madow.

Szczesny ayaa sidaa ku noqday goolhayihii ugu horreeyey ee tartanka qaramada Yurub abid iska dhaliya gool.

Poland ayaa keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Karol Linetty bilowga qaybta labaad, laakiin masii waarin goolkaasi, waxaana ka daba yimid Slovakia oo keentay gool labaad oo ay guusha ku qaateen, halka Poland ay isku raacday rikoodhka fadeexadda ah ee Szczesny iyo guul-darro ay ku bilowdeen tartanka qaramada Yurub.

1 – Wojciech #Szczesny is the first goalkeeper to make an owngoal in the European Championship’s history. Misfortune.#POLSLO #EURO2020

— OptaPaolo (@OptaPaolo) June 14, 2021

Szczesny ayaa waxa rikoodhka xun ee qaramada Yurub kasoo gaadhay uu la qaybsanayaa saaxiibkiisa Juventus ee difaaca uga ciyaara Turkey ee Merih Demiral oo isaguna kulankii furitaanka tartanka ee Talyaaniga gool iska dhaliyey, isla markaana noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee kulanka ugu horreeya gool iska dhaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More