Daawo: Xildhibaan Zakariye oo shaaciyey inuu askarta maqan k…

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu xariir la sameeyay madaxda dalka Eritrea, islamarkaana uu wax ka weydiiyey nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed ee la weysan yahay.

“Shakhsiyan anigu waxaan isku dayey inaan hubsado wararka laga faafiyey dhalinyarada loo qaaday Eritrea, waxaan la xariiray madax Eritrean ah, hade eyagu kuma dhahayaan ciidankiinii ayaan dagaal gelinay, laakiin waxaan kala hadlay bal inaan dalkaas tegi karo, waxayna ii sheegeen in sidii Coronavirus uga dilaacay dunida aysan diyaaradu tegin Eritrea, marka inaan arrintaas soo hubsado ayaan rabay, laakiin si lagu tegi karo dalka Eritrea maba jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in dhalinyarada maqan ay uga jiraan kuwo ehel la ah iyo kuwo isaga la shaqeyn jiray oo sida uu sheegay qaarkood darawaliin u ahaan jiray.

“Arinigu halbaan ogahay, dadka Eritreanka ah dhamaantood waa tababaran yihiin oo waa dad u soo dagaalamay xorriyadooda, marka hadii ay ciidan ajanebi ah oo aan ciidankooda aheyn ay geeyaan goob dagaal, waxay sumcad xumo ku tahay ciidankeeda oo waxaa hubaal ah in ciidankaas ay jebayaan oo laga guuleysanayo, marka arrintaas waan hubsaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in hadii arrintaasi ay run noqoto ay dowladda Soomaaliya ku kacday dembi culus, kaas oo lagu maxkamadeyn doono, “Dunuub weyn waaye hadii ay dowladdu ku kacday arrintaas oo dagaal ay u dirtay askar Soomaaliyeed.”

Xildhibaan Zakariye sidoo kale waxa uu sheegay in hadii la isku dayo in la tago dalka Eritrea ay aad u fududahay, “Hadii ay diyaarad qaataan xubnaha guddiga ee uu Rooble u magacaabay baarintaanka arrintaas inta diyaarad gaar ah qaataan ay dowladda Soomaaliya dhahdo Eritrea diyaaradaas noo fasaxa inay dalka timaado deg deg ayey ku ogolaaneysaa dowladda Eritrea,”ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey Xildhibaan Zakariye xiriirka kala dhaxeeya dowladda Eritrea ayaa waxa uu sheegay inuu madaxda dalkaas la leeyahay xiriir qota dheer oo soo jiray ku dhawaad 30-sano.

“Xiriir qota dheer oo waliba 30 sano ku dhaw ayaa naga dhaxeeya madaxda dalkaas, kaas oo soo bilaawday markii ay u dagalamayeen xorriyadooda, sidoo kale anaga waxay garab noo noqdeen markii ay Itoobiya na qabsatay, anagoo siyaasiyiin Soomaaliyeed ah ayaan u tagnay gacan ayey nasiisay dowlada Eritrea xilligaas, saldhig ayaan ka dhiganay abaal gud ayeyna aheyd, marka xiriir kale oo gooni ah ma jiro,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More