WARBIXIN: 624 Xiddig Oo Ka Qayb-gelaya EURO 2020, Kooxaha Ciyaaryahanadda
24ka waddan ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, waxa mid walba uu haystaa 26 ciyaartoy, taas oo tirada guud ee xiddigaha kasoo muuqanaya tartankan ka dhigaysa 624, waxaanay tiradani halkan gaadhay markii ay UEFA beddeshay tirada loo ogol yahay waddamada ka qayb-gelaya tartankan.Sharciga ayaa hore u dhigayey in 23 ciyaartoy uu waddan kastaa soo magacaabo, laakiin Fayraska Korona dartii iyo halista ay ciyaaryahannadu ugu jiraan inuu ku dhaco oo ay karantiil galaan ayaa sababtay in UEFA ay tirada…