Sharcigii Muranka Dhaliyey Ee Kubbadaha Sida SHILKA Ah Gacanta Ugu
Goolasha ka dhasha tartanka Euro 2020 meesha lagama saari doono haddii ay kubaddu si shil ah ama kama’ ah gacanta ugaga dhacdo weeraryahanka goolka dhalinaya, sida UU shaaciYay xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.
Xilli ciyaareedkii hore, sharcigan ayaa muran badan dhaliyey, waxaana uu dhigayay in kubbad kasta oo gacanta kusoo dhacda waqtiga ay kubadda soo dhisayaan kooxda weerarka ah, aan la siinayn gool haddii ay awoodaan inay dhaliyaan, taas oo dad badan ay saluug ka muujiyeen.
Arrintii ugu caansanayd ee xilli ciyaareedkan ayaa ahayd in weeraryahanka Fulham ee Mario Lemina ay kubaddu gacanta kaga dhacday isagoon ugu talo-gelin, kaddibna ay kooxdiisu dhalisay goolka ka dhalisay Tottenham, balse VAR oo looga soo daawaday uu go’aamiyey in kubaddaas la diido maadaama ay gacan ku dhacday, halka kooxaha is-difaaca ku jira aan lagu dhigayn rikoodhe haddii aanay si badheedh ah kubadda gacanta ugu qaban.
Xidhiidhka caalamiga ah ee FIFA u sameeya shuruucda ee IFAB ayaa isbeddelkan ku samaynaya sharciga xilli ciyaareedka soo socda iyadoo hirgelintiisa la bilaabi doono bisha July, laakiin waxa loo ogolaaday Euro 2020 in si hordhac ah sharcigan ay usii dhaqan geliyaan.
Guddoomiyaha guddida garsoorka UEFA ee Roberto Rosetti ayaa xaqiijiyey in sharcigan ay hirgelinayaan hadda oo tartanka Euro aan la diidi doonin goolasha dhasha iyadoo kubaddu si shil ah ugu soo dhacday gacan.
Rosetti waxa kale oo uu sheegay in goolasha OFFSIDE-ka ah aan la diidi doonin haddii aan caddayn buuxda loo helin oo wali madmadow jiro.