Premier League Oo Loogu Baaqay In Ciqaab Iyo Ganaaxyo Lagu Soo Rogo

Maamulka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa loogu baaqay in ciqaab lagu soo rogo kooxda kubadda cagta Liverpool kaddib ficilladeeda sii muuqda ee isku-dayga tartankii fashilmay ee Super League.

Liverpool ayaa ka mid ahayd lix kooxood oo Ingiriis ah oo qayb ka ahaa qorshihii lagu sameeyey Super League oo si degdeg ah ula kulmay kacdoono iyo mudaharaadyo kaga yimid taageereyaasha, taas oo keentay in ay sagaal ka mid ah 12ka kooxood ka laabtaan qorshahaas.

Halyeygii Manchester United ee Garry Neville ayaa se ku talinaya, in Premier League ay tahay in uu tallaabo qaado oo kooxaha qaybta ka ahaa qorshahaas aan sidaas lagu cafinin, laakiin kaliya Liverpool ma aha e la ciqaabo naadiyada kalena.

Neville ayaa dareensan in Liverpool ay ka mid ahayd xooggii ka dambeeyey fikirkaas si la mid ah Manchester United.

Gary Neville oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey Twitter-ka oo u qonayd sidan: “Waa in la ciqaabo kooxihii gooni u goosadka. Miyaa la iloobay taas hadda?” ayaa ku jawaabay: “Maya, waxa loo baahan yahay in Premier League uu si degdeg ah tallaabo uga qaado. Waa in lagu soo rogo ciqaab oo ‘dhiiqo la dhex geliyo’, kubadda cagtuna waa in ay yeelato maamul.”

Inkasta oo kooxaha qorshahan fashilmay qaybta ka ahaa ee Premier League ka dhisan ay lix ahaayeen, haddana wargeyska qoray warkan ee aanu kasoo xiganay ayaa arrinta u dhigay sidii uu Garry Neville si gaar ah uga hadlayo Liverpool, balse mawduuca uu soo qaaday iyo qaabka uu hadalkiisu u dhigan yahay ayaa ah in dhamaan kooxaha lixda ah ay tahay in Premier League uu kusoo rogo ganaaxyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More