Manchester United Oo Rikoodhka Iibka Ciyaaryahanadda Ingiriiska Jabinaysa

Kooxda kubadda cagta Manchdster United  ayay tahay in ay jabiso rikoodhkii u yaallay iibka ciyaartoyda ee kooxaha ka dhisan guud ahaan Britain, haddii ay doonayso in ay lasoo saxeexato xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ka tirsan Borussia Dortmund.

Manchester United oo uu saamayn ku yeeshay Fayraska Korona ayaa sannadkii hore waxay u dhowaatay in ay £108 milyan oo Gini kula soo wareegto Sancho, laakiin labada kooxood ayaa xilli dambe isku afgaran waayey saayiraad ay dalbanaysay Red Devils, hase yeeshee mar kale ayey Red Devils u xidh-xidheen saxeexa xiddigan iyadoo qiimihiisuna wali cirka ku shareeran yahay.

Boodhka sare ee maamulka Manchester United ayaa si buuxda ugu taageeray Ole Gunnar Solskjaer in uu lasoo wareego ciyaaryahannada uu doonayo in uu soo iibsado xagaagan, waxaana bartilmaameedka koowaad  u ah Sancho oo la filayo inuu Old Trafford tago xagaagan.

Solskjaer ayaa dareensan in uu u baahan yahay ciyaartoy heer caalami oo tayadiisu sarrayso oo ka ciyaara garabka midig, isla markaana dhalin kara goolal, fursadahana u abuuri kara laacibiinta kale ee kooxda sida Edinson Cavani, Mason Greenwood, Marcus Rashford and Anthony Martial.

Sancho oo ka mid ah ciyaaryahannada xulka qaranka England ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu kooxda reer Germany ee Dortmund u dhaliyey 10 gool 15 ciyaarood gudahood, waana sabab ka mid ah kuwa uu Ole u calmaday.

Mulkiileyaasha Manchester United ayaa toddobaadkan ballan-qaaday in ay kooxda dib u dhis ku samaynayaan, waxaanay taasi u xaqiijisay Solskjaer in uu helayo xiddigaha uu u baahan yahay ee Jadon Sancho, Raphael Varane iyo kuwo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More