“Xabaasha Ayuu Johan Cruyff Kasoo Bixi Lahaa Cadho Darteed, Haddii Uu
Dhalleecayn badan ayaa ka dhalatay kulankii barbarra 2-2 kusoo dhamaaday ee xulka qaranka Netherlands iyo Scotland, waxaana tababare De Boer lagu canaanayaa shaxda iyo taatikadii uu kulankaas ku dheelay.
Tababaraha Frank de Boer ayaa ku ciyaaray qaab ahaa 5-3-2 oo uu awoodda saaray khadka difaaca, waxaanu ku mutaystay canaan badan iyadoo lagala hormaray laba gool balse uu badbaadiyey Memphis Depay oo labada goolba u dhaliyey.
Netherlands oo ka mid ahayd kooxaha laga dheegto kubadda cagta, laguna yaqaano qaab ciyaareed wanaagsan iyo in taageereyaashu ku raaxaystaan ayaa waxay qaabkan ay ku dheeleen uu isbeddel ku keenay kubaddoodii iyadoo difaaca ay awoodda saareenna uu awoodi kari waayey in ay iska qabtaan Scotland oo ka mid ah dalalka ugu liita Yurub.
Laakiin Ronald de Boer ayaa difaacay walaalkii, waxaanu ku dooday in ay ahayd tijaabo wanaagsan, inkasta oo uu dhinaca kale tibaaxay in ay ahayd dembi oo halyeygii waddankaas ee Johan Cruyff uu xabaasha kasoo bixi lahaa haddii uu arko.
Ronald de Boer oo la hadlayay wargeyska De Telegraaf ayaa yidhi: “Johan Cruyff xabaasha ayuu kasoo bixi lahaa {Haddii uu arko Netherlands oo ku ciyaaraysa 5-3-2, halkii ay ka ahayd inay 4-3-3 ku dheelaan}. Laakiin waxa kale oo uu De Boer samayn karaa sida Ronald Koeman ee Barcelona. Inkasta oo ay tahay qaab soo jiidasho leh, haddana waxay ku xidhan tahay sida aad u buuxiyo.
“Marka ay jiraan laba aad u wanaagsan oo kaasoo horjeeda, faa’iido ayuu leeyahay qaabkani, waa faa’iido in aad keento qof u dhexeeya labada difaac dhexe. Markaa waxaad mar walba haysataa hubanti iyo in aad ku ciyaari karto weerar.”
Si kastaba, xulka qaranka Netherlands oo ka maqnaa Koobkii Adduunka 2018, ayaa waxa hadda hoggaaminaya De Bour iyagoo ka qayb-gelaya tartankii ugu horreeyey ee weyn tan iyo 2014.