Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Chelsea Oo Karbaashtay Rennes, PSG Oo Guul-darro Loo

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guushii labaad ee tartanka Champions League ah diiwaangashatay, waxaanay hoggaanka u qabatay Group E, kaddib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda reer France ee Rennes oo ay ku qaabishay Stamford Bridge.Chelsea oo ciyaarta ka hor uu ruxay warka sheegayay in Kai Havertz laga helay xanuunka Korona Fayras, isla markaana laga dhex saaray  ciyaartoyda oo loo diray karantiil ayaa waxay qaybtii horeba la timid laba gool oo rikoodheyaal ah oo uu gool u beddelay Timo Werner.Daqiiqaddii 10aad ayaa…

Barcelona Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartey Dynamo Kiev, Juventus

Barcelona ayaa kusoo laabatay jidka guusha kaddib guul-darrooyinkii waji gabaxa ahaa ee horyaalka LaLiga kasoo gaadhay ee saddexdii kulan ee ugu dambeeyey loo xambaarinayay.Tababare Ronald Koeman oo indhihiisa ku daawanayay khasaarihii kooxdiisa kasoo gaadhay Alaves, Real Madrid iyo Getafe ayaa cadhadii kula dhacay Dynamo Kiev oo xanuunka Korona Fayras uu kaga dhacay ku dhowaad toban ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo ay ku garaaceen 2-1.Lionel Messi ayaa gool-dhalinta ugu furay rikoodhe bilowgii ciyaarta, waxaana midka…

Xiddiggii Ugu Qaalisanaa Chelsea Xagaagii Oo Korona Fayras

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Kai Haverts ayaa laga helay xanuunka Korona Fayras ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii Blues iyo Rennes. Tababare Frank Lamaprd ayaa warbaahinta u sheegay in sababta uu Havertz ugu soo dari waayey ciyaartoydiisa ay tahay inuu ku dhacay Korona Fayras oo ay ka dhex saareen xiddigaha kale ee Chelsea, isla markaana uu gelayo karantiil. Kubbad-sameeyaha reer Germany oo ah laacibka labaad ee ugu qaalisan Chelsea isla markaana ay £70 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Bayern…

Manchester United Oo Guul-darro Kale Loogu Soo Dhiibay

Manchester United ayaa guul-darro kale oo xanuun badan la kulantay, waxaana 2-1 ku garaacday kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir.Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Istanbul, gaar ahaan garoonka loogu magac-daray tababaraha xulka qaranka ee Fatih Terim ayaa waxa Manchester United lagu ciqaabay laba gool oo qaybta hore laga dhaliyey oo lagaga faa’iidaystay dhoohanaanta difaacooda, halka goolka madiga ahna ay la yimaaddeen intii aanay u bixin waqtiga nasashada.Daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta ayuu weeraryahanka Muslimka ah ee…

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Chelsea vs Rennes, Barcelona

Frank Lampard ayaa shax adag kusoo bilaabay ciyaarta ay kooxdiisa Chelsea garoonka Stamford Bridge ku martigelinayso Rennes, waxaana uu la shir yimid xiddigihii guusha u keenay kulankii ugu dambeeyey ee ay 3-0 ku garaaceen naadiga Burnley.Kai Havertz oo ahaa xiddigii guusha u horseeday kulanka Burnley ee khadka dhexe sida adag uga shaqeeyey ayaa gebi ahaanba aan lagu soo darin ciyaartoyda Chelsea ee kulankan waxaanu ka daawanayaa gurigiisa, waxaana booskiisa taagan Jorginho oo beddelay.N’Golo Kante ayaa mar kale…

UEFA Oo Ku Ciqaabtay Difaaca Chelsea Ee Reece James Falkii

Difaaca Chelsea iyo xulka qaranka England ee Reece James ayaa lagu soo rogay ganaax laba ciyaarood ah oo uu garoomada kaga maqnaan doono kaddib kaadhkii casaa ee uu ku qaatay garoonka Wembley.UEFA ayaa ku xukuntay James aflagaaddo uu u geystay tababaraha reer Spain ee Jesus Gil Manzano bishii hore markii ay dhamaatay ciyaar dhex martay England iyo Denmark ooka tirsanayd tartanka UEFA Nations League.Reece James ayaa naftiisa xakamayn kari waayey dhamaadkii ciyaartan, waxaana uu u tegay garsoore Jesus Gil Manzano oo uu ku…

Barcelona Oo CAAWA Laga Doonayo Inay £171 MILYAN Oo Gini Ka

Barcelona waxay tartan kula jirtaa waqtiga, mana haysato fursado ay sii kala doorato, dhawr saacadood oo kaliya ayaa u hadhsan, haddii ay xal keeni weydana waxay ku dhawaaqi doontaa inay gebi ahaanba musalaftay.Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maalinta ugu dambaysa (Deadline day) ee mushahar dhimista ay ku samyanayso ciyaartoydeedu ay tahay November 5, iyadoo isla maalintan oo ku beegan berri laga doonayo inay shaaciso miisaaniyaddeeda sannadkan oo laga doonayo inay ka muuqato in kharash dhimis ballaadhan uu ka…

TOBAN Ciyaartoy Oo PSG Oo Laga Soo Badbaadiyey Wiish Dab Ka

Toban ciyaartoy oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayuu la istaagay wiish ay saarnaayeen ka hor ciyaarta ay caawa la leeyihiin kooxda reer Germany ee RB Leipzig, waxaana si degdeg ah loogu wacay oo kasoo daad-gureeyey dab-demis halkaas ugu tegay.Ciyaaryahanadda PSG oo deggan hotelka lagu magacaabo GrandHotel Handelshof ee magaalada Leipzig ee Jarmalka ayaa xalay 9kii fiidnimo waxay halis ku galeen wiishkii ay saarnaayeen ee hotelkan, kaddib markii uu dab ka kacay isla wiishkaas.Sida ay ku warrantay…

Waa 17 Sano Jir Ay Barcelona Saxeexiisa Ku Garaacday Man

Kaliya dhawr bilood ayuu kasoo tirsanaa safkeeda balse waxa cad in Barcelona ay mustaqbalkeeda fog ka dhex aragto da’yarka Pedri oo hadda banaanka la keenay lacagta aadka u badan ee heshiiskiisa Camp Nou ku xidhan.17 sano jirkaas ayaa suuqii dhawaa lacag 4.5 Milyan Pound ah Barcelona ugaga yimid dhinaca Las Palmas balse heshiiska ayaa gaadhi kara 19.9 Milyan Pound haddiiba shuruudo ku xidhan uu buuxiyo.Sida uu sheegayo il-wareedka caanka ah ee Goal, Barcelona ayaa saxeexa Pedri kaga guuleysatay labada kooxood ee waaweyn ee…

Ma Keenayo – Xiddiga Uu Diiday Inuu Roman Abramovich Chelsea

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday inuu suuqyada soo socda Stamford Bridge keeno weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala kaas oo lala xidhiidhinayay kooxdiisa maalmihii ugu dambeeyay.Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Talyaanigu, Abramovich ayaan doonayn inuu Dybala lasoo saxeexdo isaga oo aaminsan inay booskiisa kaga filan yihiin Kai Havertz iyo Hakim Ziyech oo uu suuqii dhawaa lasoo saxeexday.Chelsea ayaa xagaagii suuqa ku bixisay lacag ka badan 250 Milyan oo Pound…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More