Ciyaartoyga Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Yurub Oo
Abaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa qaaradda Xili ciyaareedkii dhamaaday ee 2019-20 ayaa lagu dhawaaqayaa daqiiqado kaddib marka la sameeyo isku-aadka tartanka Champions League oo xaflad loogu samaynayo magaalada Geneva ee waddanka Switzerland.
- Advertisement -
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Kevin de Bruyne iyo labaga laacib ee Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyo Manuel Neuer ayaa iskugu soo hadhay saddexda boos ee ugu dambeeya abaal-marintan, waxaana si buuxda loogu dhowaaqi doonaa midkooda ku guuleystay marka isku-aadku soo dhamaado.
Kevin de Bruyne ayaa kusoo guuleystay abaal-marinta PFA ee ciyaartoygii ugu wanaagsanaa Premier League kaddib markii uu Man City kula guuleystay Carabao Cup, laakiin Lewandowski iyo Neuer ayaa Bayern Munich u qaaday Champions League, Bundesliga, DFB-Pokal, UEFA Super Cup iyo German Super Cup oo xalay ay ku garaaceen Borussia Dortmund.
Warbaahinta caalamka ayaa sii heshay macluumaadka laacibka ku guuleystay abaal-marintan ee saacado kaddib la caleemo saari doono, waxaana uu noqday weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo wacdaro ka dhigay garoomada.
Lewandowski oo kooxdiisa u saftay 47 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah xili ciyaareedkii tegay, ayaa dhaliyey 55 gool oo ah rikoodhkiisii ugu sarreeyey, kuwaas oo kooxdiisa siiyey guulaha tirada badan ee shanta koob ah ee ay xili ciyaareedkii dhamaaday gacanta ku dhigeen. Intii uu soo bilaabmay sannadkan socda ee 2020 oo aan lagu darin qaybtii hore ee xili ciyaareedkii tegay, waxa uu Lewandowski dhaliyey 26 gool.
Xiddigan reer Poland ayay dad badan u saadaalinayeen inuu ku guuleysan doono abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or, laakiin wargeyska France Football ayaa sannadkan kansalay bixinta abaal-marintan maadaama xanuunka Korona Fayras uu dunida aafeeyey, ciyaarahana kala dhantaalay sidii ay u socdeen, laakiin dad badan ayaa bishii hore sameeyey kaamayn ay ku doonayaan in lagu soo celiyo abaal-marinta oo la siiyo Lewandowski.
Marka Lewandowski la guddoonsiiyo abaal-marinta, waxa uu noqon doonaa xiddigii 11aad ee Bayern Munich ah ee ku guuleysta, waxaana xiddigii ka horreeyey ee uu isagu ku xigayaa uu ahaa Frank Ribery oo sannadkii 2013 ku guuleystay markii ay Bayern Munich qaadday Champions League, horyaalka Bundesliga iyo DFB-Pokal Cup.