Arsenal vs Man City – Isku Aadka Wareega 8da Ee Carabao Cup

Waxaa haatan la soo saaray isku aadka wareega sideed dhamaadka Caraboa Cup ka dib markii uu soo dhamaaday wareega 16ka kooxood oo lagu soo xiray guushii rigoorada ee ay Arsenal ka gaartay Liverpool.

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa ka haray tartankaan ka dib guuldarooyin ka soo kala gaaray kooxaha Waqooyiga London ee Arsenal iyo Tottenham.

Kulamo xiiso leh ayaa ka soo baxay isku aadkii caawa iyadoo Arsenal ay garoonka Emirates Stadium ku soo dhaweyn doonto kooxda difaacaneysa koobka ee Manchester City.

Halka Manchester United ay u safri doonto kooxda xagaagan sida weyn isku dhistay ee Everton.

Tottenham waxay wareega sideed dhamaadka marti u noqon doontaa kooxda Stoke halka Brentford iyo Newcastle United la isku balamiyay.

Kulamada wareega sideed dhamaadka Carabao Cup waxaa la ciyaari doonaa bartamaha bisha December ee sannadkan 2020.

Isku aadka oo dhameystiran:

Stoke vs Tottenham

Brentford vs Newcastle United

Arsenal vs Manchester City

Everton vs Manchester United

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More