Arsenal Oo Ka Aarsatay Liverpool, Bernd Leno Oo Ka Badiyay
Kooxda Arsenal ayaa ka aartay Liverpool ka dib markii ay rigoore 5-4 uga badiyeen kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa wareega 16ka ee Carabao Cup oo ka dhacay garoonka Anfield.
- Advertisement -
Labadaan kooxood oo habeenkii Isniinta ciyaaray kulan Premier League ah islamarkaana ay Reds badisay ayaa kulankii caawa waxay 90ka daqiiqo isku dhaafi waayeen barbaro goolal la’aan ah iyadoo goolhaye Bernd Leno uu la ciyaaray Liverpool madaama uu ka badbaadiyay fursado aad u badan oo goolal loo fashay.
Bernd Leno ayaana ahaa geesiga Arsenal markii rigoore la isla aaday isagoo labo rigoore ka qabtay Origi iyo Harry Wilson xilli Arsenal uu rigoore ka qasaariyay Mohamed Elneny, taasoo keentay in Arsenal ay rigoore 5-4 ku badiso.
Gunners ayaa haatan u soo gudubtay wareega 8da ee Carabao Cup, halka Liverpool laga ciribtiray koobkaan.
Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay kooxda Arsenal daqiiqadii 8aad laakiin waxaa go’aan geesinimo leh qaatay goolhaye Adrian oo goolka is hortaagay halka uu Nketiah ka laba shakiyay go;aankiisa gooldhalin.
Liverpool ayaa jawaab ka bixisay daqiiqadii 12aad markii Jota uu ka soo xarooday garabka bidix wuxuu kubada u dhigay Grujic oo boos fiican u taagnaa inuu goolka dhaliyo, laakiin sidii uu rabay kubada uguma imaanin wuxuuna si ciriiri ah ku hareermariyay goolka.
Arsenal ayaa markii labaad qeybta hore ku fashilantay kubad ay gadaal ka soo bilowday daqiiqadii 34aad iyadoo u ogolaaday in Liverpool ay kubada u qaadaan Jota oo xerada ganaaxa ku jiray. Gunners ayaa markii hore kubada iska difaacday laakiin waxay siiyeen Jones kaasoo darbo ka tuuray meel 20 mitir goolka u jirta laakiin waxaa isku duubay goolhaye Leno.
Daqiiqadii 45aad Liverpool ayaa heshay fursadii ugu fiicneyd qeybtii hore ee ciyaarta. Jota ayaa kubad madax aheyd ka galay xagal adag taasoo ku qasabtay goolhaye Leno inuu bixiyo kubada. Waxaa kubada helay Minamino kaasoo aan fileynin laakiin darbadiisa waxay ku dhacday birta, iyadoo Gunners ay ku badbaaday birta goolka oo beenisay Liverpool.
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah. Daqiiqadii 53aad ee qeybtii labaad goolhaye Leno ayaa badbaadin kale sameeyay, isagoo markaan kubad dhulka ku socota oo ka timid Van Dijk si fantastik ah u badbaadiyay. Daqiiqadii 60aad Grujic ayaa u dhawaaday mar kale inuu shabaqa soo taabto ka dib kubad uu ka helay Jota laakiin waxaa badbaadiyay Leno.
Seddex daqiiqo ka dib Leno ayaa sameeyay badbaadin kale oo fantastik ah iyadoo kubad dheer oo loo soo qaaday Jota uu la dhinac maray Kolasinac laakiin darbadiisa goolka waxaa badbaadiyay Leno. Daqiiqado ka bacdi Leno wuxuu fursad halis aheyd ka beeniyya Grujic oo dhexda ka qabsaday Arsenal.
Daqiiqadii 69aad Arsenal ayaa markeeda fursad heshay iyadoo kubad madax aheyd oo ka timid Holding uu badbaadiyay goolhaye Adrian.
Daqiiqadii 85aad Leno ayaa kubad kale oo halis aheyd ka beeniyay da; yarka Williams iyadoo goolhayaha Jarmalka uu wacdarro dhigay kulankii caawa.
Waxay ciyaarta 90keedii daqiiqo ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo la isla aaday rigoore.
Liverpool rigoorada waxaa u dhaliyay: James Milner, Wijnaldum, Minamino, Curtis Jones halka Origi iyo Harry Wilson laga badbaadiyay
Arsenal rigoorada waxaa u dhaliyay: Lacazzette, Cedric, Maitland-Niles, Pepe iyo Willock halka Elneny laga badbaadiyay