Laacibka Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Ee UEFA

Xidhiidhka kubbada cagta yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xidiga ku guulaystay abaal marinta laacibka sanadka ee qaaramada yurub ugu fiican. Waxayna sidoo kale UEFA bixisay abaal marino badan oo boos walba leh.

Waxa kale oo ay UEFA shaacisay abaal marinta goolhayaha sanadka ee Yurub ugu fiican iyada oo intii ay socotay xaflada isku aadka Champions League abaal marino badan oo kale la bixiyay.

Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manual Nuener ayaa ku guulaystay abaal marinta goolhayaha sanadka ee Yurub ugu fiican kadib markii uu kooxdiisa Bayern si layaableh uga soo caawiyay in ay koobka Champions Leageu iyo saddex koob oo kale ku guulaysteen.

Difaaca kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich oo soo qaatay xili ciyaareed layaableh ayaa ku guulaystay abaal marinta difaacii Yurub ugu fiicnaa iyada oo uu noqday xidiga labaad ee Bayern Munich ka tirsan ee abaal marin muhiim ah la gudoonsiiyay.

Khadka dhexe ee sanadka Yurub ugu fiican waxaa ku guulaystay Kevin De Bruyne oo wacdaro ka soo dhigay kooxdiisa Manchester City iyo horyaalka Premeir League. De Bruyne oo hore abaal marintii Premier League ee xidiga sanadka ugu soo guulaystay ayaa abaal marinta xidiga khadka dhexe ee Yurub ugu fiican ku darsaday.

Gool dhaliyaha xili ciyaareedka ugu fiicnaa Yurub waxa markale ku guulaystay ciyaartoy Bayern Munich ah waana Robert Lewandowski kaas oo soo qaatay sanad layaableh.

Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa ku guulaystay abaal marinta macalinka sanadka ee Yurub ugu fiican kadib markii uu afar koob ka soo caawiyay kooxdiisa Bayern isla markaana uu Champions League si layaableh ugu horseeday.

Ugu danbayn waxaa abaal marinta ugu qaalisan ee xidiga sanadka ee Yurub ugu fiican ku guulaystay Robert Lewandowski kaasoo Bayern Munich ka caawiyay hanashada seddexda koob xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Lewandowski wuxuu abaalmarinta ka qaaday xiddiga Man City Kevin de Bruyne iyo saaxiibkiisa Bayern Munich Manuel Neuer.

Abaal Marinaha Muhiimka Ah Ee Lagu Kala Guulaystay

Abaal marinta Goolhayaha Ee Ugu fiican Yurub:  Manuel Neuer (Bayern Munich)

Abaal marinta Difaaca Ee Ugu fiican Yurub:  Joshua Kimmich (Bayern Munich)

Abaal marinta Khadka Dhexe Ee Ugu fiican Yurub: Kevin De Bruyne (Manchester City)

Abaal marinta Gool Dhaliyaha Ee Ugu fiican Yurub:Robert Lewandowski( Bayern Munich)

Abaalmarinta Tababaraha Ugu Fiican Yurub: Hansi Flick (Bayern Munich)

Abaal marinta Xidiga Sanadka Ee Yurub Ugu Fiican: Robert Lewandowski

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More