Skip to content
Saturday, August 15, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: Rescuers Report At Least 20 Dead After Earthquake in Indonesia
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Celta Vigo- Ayay Labada

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
GettyImages-1228108767-1

Barcelona ayaa marti u ah kooxda ay sanadihii ugu danbeeyay ee Celta Vigo waana kulanka labaad ee horyaalka La liga ee Ronald Koeman uu hogaaminayo kooxdiisa cusub ee Barca.

Ronald Koeman ayaa markale shaxdiisa ku soo bilaabay goolhaye  Neto iyada oo Ter Stegen uu wali sugi doono in uu safto kulankiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan.

- Advertisement -

Lionel Messi ayaa hogaaminaya weerarka Barcelona waxaana kula jira Fati iyo Griemzann waana isla qaabkii uu guusha wayn kaga gaadhay Villarreal.

Coutinho ayaa markale khadka dhexe kula jira De Jong iyo Busqeuts iyada oo difaaca ayna waxba iska badalin kulankii Villarreal.

Shaxda Rasmiga Ee Barcelona Vs Celta Vigo

Barcelona XI: Neto,  Sergi Roberto, Piqué, Lenglet, Jordi Alba, Busquets, De Jong,  Griezmann, Coutinho, Ansu Fati, Lionel Messi

Kaydka: 6 Aleñá 8 Pjanić 11 O. Dembélé 16 Pedri 17 Trincão 19 Braithwaite 26 Iñaki Peña (GK) 28 Riqui Puig 29 Konrad 30 R. Araujo 32 Ramos Mingo 36 Arnau Tenas (GK)