Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Roy Keane Oo Ku Dhaleeceeyay Aubameynag Magacii Uu Ugu
Roy Keane ayaa ku canaantay kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang inuu tababare Mikel Arteta ugu yeeray magaciisa koowaad.Weeraryahanka ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta iyadoo Arsenal ay 1-0 ku garaacday Manchester United kulankii Axada ee Old trafford ka dhacay.`Aubameyang ayaa tababarihiisa ugu yeeray Mikel isagoo ka hadlayay guushoodii Old Trafford.Weeraryahanka oo dhaliyay goolkii rigoorada ee guusha keenay ayaa yiri:“Koox shaqo fiican ayay qabatay. Qof walba dadaalkiisii ugu fiicnaa ayuu soo bandhigay, waana…
Ryan Giggs Oo Warbixintii Ugu Horreysay Kasoo Saaray
Tababaraha xulka qaranka Wales, ahna halyeygii Manchester United ee Ryan Giggs ayaa beeniyey inuu dhaawacyo u geystay gabadha ay isku cindan yihiin ee Kate Greville.Booliska ayaa xalay gudaha u galay guriga qasriga ah ee uu deggan yahay Ryan Giggs ee qiimihiisu yahay £1.7 milyan oo Gini, kaddib markii ay heleen telefoon lagu weydiisanayo gurmad degdeg ah.Tababare Roy Keane oo ay da’diisu tahay 46 jir ayaa loo kaxeeyey saldhigga booliska oo lagu xidhay, waxaana la sheegayaa in arrintani ay halis gelin doonto shaqada…
Manchester United Iyo Real Madrid Oo La Qalbi-Jabiyey &
Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa la sheegay in uu dhabarka u jeedin doono labada kooxood ee Real Madrid iyo Manchester United oo lala xidhiidhinayay, isla markaana diyaar u ahaa inay qasnaddooda u jabiyaan xagaaga soo socda.Xiddiga reer Norway ee gool-dhalinta layaabka leh ku qabsaday Yurub muddo kooban oo uu u ciyaarayay RB Salzburg iyo Borussia Dortmund ayaa waxa uu bartilmaameed u noqday kooxo waaweyn oo Yurub ah oo doonaya inay helaan.Laakiin waxa tartankiisa kaga horreysa oo uu isaguna doonayaa inuu u…
“Anigu Isbaaro Uma Dhigayo, Haddii Uu Doonayo Wuu Iska Tegi
Murashaxa Madaxweynaha Barcelona ee Pere Riera ayaa ballan-qaaday in aanu noqon doonin mid isbaaro u dhigta xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo aanu ku qasbi doonin inuu sii joogo kooxda haddii aanu isagu doonayn.Lionel Messi ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Barcelona xagaagii tegay, balse muran iyo khilaaf xooggan oo ka dhex dhashay Madaxweynihii hore ee dhowaanta iscasilay ee Bortameu ayaa keenay inuu sannad kale kusii negaado oo uu sii joogo Camp Nou.Laacibkan ayaa waqtigaas sheegay inuu dhamaysan…
AFARTA Kooxood Ee Ugu Sarraynaya Horyaalka Premier League
Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa saadaaliyey afarta kooxood ee ugu sarraynaya horyaalka Premier League xili ciyaareedkan, kuwaas oo aanu usii kala-saarin sida ay ugu kala dhowaanayaan hanashada horyaalka.Roy Keane waxa uu rumaysan yahay in kooxdiisii hore ee Manchester United aanay boos ku yeelan doonin afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka xili ciyaareedkan, isla markaana ay ka qadi doonto tartanka Champions League xili ciyaareedka dambe oo aanay kasoo qayb-geli doonin.Halyeygan hore ee Red Devils…
Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoydiisa Kulanka
Zinedine Zidane ayaa shaaciyey 21 ciyaartoy oo uu u doortay kulanka caawa ee muhiimka ah ee ay ku qaabilayaan Inter Milan, taas oo ay uga baahan yihiin inay guul ka gaadhaan si ay usoo nooleeyaan rajadooda inay u gudbi karaan wareegga 16ka.Warka wanaagsan ee uu Zidane helay ayaa ah inuu caafimaad qabo Lucas Vazquez oo uu kasoo kabtay dhaawac muruqa kasoo gaadhay Sabtidii, isla markaana uu taam u yahay ciyaartan.Laacibkan reer Spain ayaa difaaca midig ka ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyey, isaga oo buuxinayay booskan ay ka…
Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Labada
Liverpool ayaa u safraysa waddanka Talyaaniga oo ay caawa kula soo ciyaari doonto Atalanta, kaddib labadii guulood ee ay kasoo xoogsadeen labadii ciyaarood ee hore.Atalanta oo bandhig cajiib ah muujisay labadii ciyaarood ee ay Group D kasoo dheeshay, ayaa waxay garoonkeeda Gewiss Stadium u diyaarisay si ay guul ugaga gaadhi karto Reds, isla markaana ay kaabiga u fuusho inay diyaarsato booskeeda wareegga 16ka.Labadan kooxood oo dhamaadka bishan November ku ballansan Anfield oo ay ciyaarooda labaad iskaga hor iman doonaan,…
Zidane Miyuu U Wel-welsan Yahay Mustaqbalkiisa , Sababtii
Zinedine Zidane ayaa sheegay in inta badan kulamada Real Madrid ee dhawaanahan ay la mid yihiin finaladii, laakiin kulanka habeenka talaadada ee ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda Inter ayaa noqon karta wado loo maro in lagu go’aamiyo in Los Blancos ay u soo bixi karto wareega 16ka Champions League iyo in kale.
Ryan Giggs Oo Xabsi La Dhigay Ka Dib Dhaawac Uu U Geystay
Halyeeyga kubada cagta Ryan Giggs ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu waxyeelo u geystay saaxiibtiisa oo lagu magacaabo Kate Greville.Boliis ayaa loogu yeeray guriga tababaraha xulka Wales habeenkii Axada ka dib markii ay deriska maqleen buuq badan.Halyeeyga Man United oo 46 sanno jir ah ayay boliiska su’aalo ka weydiiyeen dhaawacyo uu u geystay saaxiibtiis.Afhayee u hadlay boliiska Greater Manchester ayaa yiri: “Boliiska ayaa loo soo yeeray 10.05pm habeenkii Axada ka dib buuq la maqlay. Gabar da’deeda ay 30meeyo…
Isbedel Ku Dhacay Kala Sareynta Horyaalka Premier League Ka
Kooxda Leicester City ayaa soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii ay 4-1 ku xasuuqeen kooxda Leeds United oo marti loo ahaa.Labo daqiiqo ayay ku qaadatay kooxda Dawacooyinka inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii uu shabaqa u soo taabtay Harvey Barnes iyadoo Youri Tielemans uu u labeeyay daqiiqadii 21aad.Stuart Dallas ayaa gool u soo celiyay Leeds United bilowgii qeybta labaad laakiin Jamie Vardy ayaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 76aad isagoo dhaliyay goolka seddexaad iyadoo…