Miyaa Qiyaano La Sameeyay Isku Aadkii Maanta Ee Champions

Taageerayaasha kooxda Manchester United oo aad u careysan ayaa sheegaya in isku aadka Champions League la sii qorsheeyay iyagoo wajahaya group-ka dhimashada oo ay kula jiraan Paris Saint-Germain iyo RB Leipzig.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa heshay isku aadkii ugu xumaa marka loo eego kooxaha kale ee Premier League iyadoo deriskooda Man City ay isku soo aadeen Porto, Olympiakos iyo Marseille halka Liverpool ay wajaheyso Ajax, Atalanta iyo Midtyjlland halka Chelsea ay la kulmeyso Sevilla, Krasnodar iyo Rennes.

Taageerayaasha Man United ayaa baraha bulshada ku sheegaya in isku aadkii maanta qiyaano la sameeyay iyadoo taageere uu soo qoray: “Iima sheegi kartid inaan la sii qorsheynin isku aadka. Waxba kama jiraan isku aad baqtiyaanasiib ah”

Mid kale ayaa yiri: “Ka feker sababta ay mar walba hakad u gelinayaan isku aadka oo ay abaalmarin u bixinayaan, waa kuwa qabanaya isku aadka oo kooxo fudud u raadinaya Manchester City”

Think they’re taking all these award breaks while the presenters fiddle around and fix the easiest draw for Man City! ?

— For Football’s Sake (@football_sake) October 1, 2020

Taageerayaasha United oo aad u careysan ayaa fariimo weerar ah u qoraya UEFA iyadoo taageero kale uu soo qoray: “Liverpool waxaa ku soo aaday Ajax, City waxaa ku soo aaday Porto, anagana waxay nagu aadiyeen PSG, isku aadka waxaa qabanaya labo ka mid ah maafiyada Chelsea”

Liverpool get Ajax, City get Porto and we get PSG and the draw is done by 2 of the Chelsea mafia!!!??

Cannot tell me this isn’t a fix! F*ck “luck of the draw” #UCLdraw #mufc

— Black Lives Matter ✊? (@dukeofpeckham) October 1, 2020

Kooxda afaraad ee United Group H kula jirta waa kooxda Turkiga ee Istanbul Basaksehir oo aan la fileynin inay dhibic ka heli doonaan group-ka.

Laakiin taageerayaasha Red Devils taasi kama aysan celinin inay ku doodaan in qiyaano la sameeyay isku aadkii maanta ka dhacay Switzerland.

Bal saadaali yaa ka soo bixi doona Group H? Miyay Man United ka soo gudbi kartaa PSG iyo Leipzid midkood?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More