Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Sergio Ramos Oo Dhaliyey Goolkiisii 100aad Ee Real Madrid

Goolkii uu madaxa kaga dhaliyey Inter Milan habeenkii xalay, waxa Sergio Ramos uu u sameeyey taariikh weyn oo kale oo uu kusii gelayo buugga xiddigaha dhif iyo naadirka ah ee Real Madrid.Goolkan ayaa ahaa midkii 100aad ee uu Real Madrid  u dhaliyey intii uu joogay, waxaana uu noqday ciyaartoygii 19aad ee dhaliya goolal tiradoodu saddex god-tirsi tahay (boqoley).19ka ciyaartoy ee boqolka gool iyo ka badan u dhaliyey Real Madrid, waxay 15 ka mid ahi ahaayeen weeraryahanno, laba khadka dhexe ah iyo laba difaac oo ahaa halyeygii…

Khabiirka Garsoorka Spain Ee Andujar Oliver Oo Sheegay In

Real Madrid ayaa guusheedii koowaad ee Champions League xili ciyaareedkan gaadhay, waxaanay 3-2 kaga adkaatay Inter  Milan oo ay laba gool kala hor martay laakiin barbarro kusoo gaadhay illaa uu waqti dambe kaga fujiyey da’yarka reer Brazil ee Rodrygo oo beddel kusoo galay.Karim Benzema ayaa ciyaarta ku furay kubbad uu si qaldan kusoo dhiibay Achraf Hakimi oo bartilmaameedkiisii uu kubadda u waday uu ka leexiyey Ferland Mendy oo lugta  geliyey, isla markaana tuuray, waxaanay kubaddaasi u tagtay Benzema oo isaguna usii jaray…

Ronaldinho, Neymar, Sergio Ramos, Toni Kroos Iyo Xiddigihii

Waqtigii guulaha, koobabka iyo farxadda ay ku jirtay Manchester United, waxay isku dayday inay lasoo saxeexato xiddigo waaweyn oo haddii ay kusoo guuleysan lahayd inay Old Trafford keento wax badan kusoo kordhin lahaa.Tababare Sir Alex Ferguson ayaa waqtigii uu ka arriminayay United, waxa uu qaaday koobab badan oo markii ugu caansanaa ay ahayd sannadkii 1999kii oo saddexlay koobab ah ay ku wada guuleysteen, sida Champions League, Premier League iyo FA Cup.Laakiin markii uu ruug-caddaagani shaqada ka fadhiistay, waxa dib u…

Liverpool Oo Xasuuqday Atalanta, Man City Oo Jiidhay

Liverpool ayaa xasuuq u geysatay kooxda kubadda cagta Atalanta, waxaanay ku garaacday 5-0, iyadoo sagaal dhibcood ku hoggaaminaysa Groupkooda.Diogo Jota ayaa saddexley goolal ah dhaliyey, waxaana labada kale ku kala daray Mohamed Salah iyo Sadio Mane, iyadoo ay si xarrago leh Reds garoonka ugu dhex taxtaxaashaysay.Manchester City ayaa iyaduna ku istaagtay kooxda reer Giriig ee Olympiakos oo ay ku garaacday 3-0, waxaana goolasha u furay Ferran Torres, ka hor intii aanu Gabriel Jesus oo kasoo laabtay dhaawac uu goolka labaad…

Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaartey Inter, Rodrygo Oo

Real Madrid ayaa guul ay aad ugu baahnayd ka gaadhay Inter Milan oo ay kaga adkaatay 3-1, waxaanay u ahayd guusheedii koowaad ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.Los Blancos oo labadii ee hore marna laga badiyey marna barbarro gashay ayaa waxay garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku qaabishay Inter Milan, waxaana gool kaga farxiyey Karim Benzema oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Achraf Hakimi oo kubbad qaldan bixiyey.Sergio Ramos ayaa Real Madrid madax ugu dhaliyey gool labaad toddoba daqiiqadood oo kaliya…

Diego Maradona Oo Dhiig Madaxa Kaga Furmay, Qalliin Deg-deg

Mucjisadii kubadda cagta iyo xulka qaranka Argentina ee Diego Armando Maradona ayaa lagu samaynayaa qalliin degdeg ah kaddib markii uu dhiig kaga furtay madaxa, isla markaana ay xididdada dhiigga ee maskaxda qaarkood guntimo xinjiro ahi ku samaysmeen. Warkan dhiillada leh oo soo dhacay maalin kaddib markii halyeygan cusbitaalka loola cararay xilli uu dhulka ku dhacay isaga oo tababaraya kooxdiisa, ayaa waxa la sheegay in markii hore looga shakisanaa xanuunka Korona Fayras, kaas oo dhakhaatiirtiisu ay sheegeen inuu…

27 Jeer Ayuu Kubadda Lumiyey Kulankii Alaves – Rikoodhka

Sannadkan 2020 waxa uu ku ahaa Barcelona mid aad u adag oo ay lasoo kulmeen dhibaatooyin aan xataa saadaasha ugu sii jirin markii hore, waxaana marka laga yimaaddo guul-darrooyinka ciyaareed iyo dhinaca koobabka uu u noqon doonaa mid lagu xasuusto inay Blaugrana lumisay qaar ka mid ah ciyaartoygeedii ugu saamaynta badnaa, halka uu xiddigooda ugu wanaagsanaa taariikhdana diiwaanka loo gelinayo qaab ciyaareedkii ugu liitay muddo toban sannadood ka badan.Lionel Messi oo qaatay go’aan ah inuu kusii negaado Camp Nou markii ay…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Real Madrid vs Inter Milan –

Real Madrid ayaa kusoo gashay shax adag kulanka muhiimka u ah xili ciyaareedkooda sannadkan ee tartanka Champions League ee ay ku qaabilayaanInter Milan.Los Blancos oo dhibic kaliya sidata, labadii ciyaarood ee horena ay middii koowaad si naxdinle isla garoonka ay ciyaartan caawa ka dhacayso ee Alfredo Di Stefano ay ugaga badisay Shakhtar Donetsk oo 3-0 ku hoggaaminaysay waqtigii nasashada iyo ciyaartii labaad oo Borussia Monchengladbach ay 2-2 ku kala baxeen ayaa waxay raadinaysaa guushii ugu horreysay.Tababare Zinedine…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Atalanta vs Liverpool – Jurgen

Liverpool ayaa ku sugan waddanka Talyaaniga oo ay kula ciyaarayso kooxda Atalanta, waxaanay u baahan tahay inay guushii saddexaad gaadho, halka kooxda martida loo yahayna ay guul iyo barbarro soo heshay oo ay hoggaanka u qaban doonto Group D haddii ay libinta gacanta ku dhigto.Liverpool oo dersin ciyaartooyo ahi dhaawac ka ahaayeen ayay usoo laabteen Joel Matip oo Jurgen Klopp ka furanaya dhibaatooyinkii difaac. Sidoo kale Naby Keita ayaa kooxda kusoo laabtay shan ciyaarood oo uu maqnaa kaddib, balse Thiago Alcantara ayaa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More