UEFA Oo Ku Dhawaaqday Go’aanka Ay Ka Qaateen Haddii Ay

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in furitaanka kulamada Champion Leauge ay qayb ka mid ah taageerayaashu ka soo muuqan doonaan garoomada lagu ciyaari doono kulamada heerka groupyada tartankan.

UEFA ayaa ku dhawaaqday in wadamada la ogol yahay in dadku ay meelo fagaare ah iskugu iman karaan in kooxaha martida loo yahay loo ogolaan doono in tiro xadidan oo taageerayaal ah loo ogolaan doono kulamada Champions League ee xili ciyaareedkan.

UEFA ayaa caawa samaysay isku aadka heerka Groupyada ee Champions League balse waxay kadib ku dhawaaqeen in boqolkiiba 30% kuraasta garoomada martida lagu yahay ee Champions League ay taageerayaal soo fadhiisan doonaan.

Finalkii UEFA Super Cup ee kooxaha Bayern Munich iyo Sevilla waxaa soo fadhiistay taageerayaal ka badan 15,000 kun laakiin markale UEFA ayaa si rasmi ah u shaacisay in boqolkiiba 30% ka mid ah kuraasta garoomada martida lagu yahay ee Champions League ay taageerayaal soo fadhiisan doonaan.

Laakiin go’aankan ayaan saamayn ku yeelan doonin wamada aan la ogolayn in dad badani ay meel iskugu yimaadaan waxayna UEFA sheegtay in xaalada ay si gaar ah ula socon doonaan ka hor inta aan la gaadhin kulamada ugu soo horeeya ee Champions League.

UEFA ayaan wali soo saarin jadwalka kulamada heerka groupyada Champions League waxayna ku dhawaaqeen in barri oo jimce ah la soo saari doono jadwalka iyo taariikhda la ciyaari doono lixda wareeg ee kulamada heerka groupyada Champions League.

Laakiin go’aanka ay UEFA ku ogolaatay in boqolkiiba 30% ka mid ah kuraasta garoomada martida lagu yahay ee Champions League ay taageerayaal soo fadhiisan doonaan ayaa wali ku xidhan xaalada siyaasadeed ee dawlada yurub ee kulamadan lagu ciyaari doono.

Haddii maamulada dawladaha Yurub ee lagu ciyaari doono kulamada heerka groupyada Champions League ay iyagu diidaan in taageerayaal soo xaadiraan waxay UEFA u hogaansami doontaa sharciga wamada kala duwan.

Laakiin UEFA ayaa sheegtay in aan la ogolaan doonin wax taageerayaal marti ah oo u safri doona kulamada Champions League balse taageerayaasha la ogaaladay waa kooxaha martida loo yahay taageerayaashooda.

Everything depends on the political authorities of each country, but being present for football matches again is now a real possibility.

Si kastaba ha ahaatee, UEFA iyo kooxaha kubbada cagta ayaa dhaqaale xumo badan kala kulmay muddadii saamaynta karoonaha looga joojiyay taageerayaashii ay lacagaha badan ka heli jireen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More