U bood qoraalka
Friday, October 30, 2026 18 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 25°C
Deg-deg: Hammiga Sacuudiga ee Badda Cas wuxuu wiiqayaa sheegashadiisa dhexdhexaadnimo
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

“Sidee Ayaan Ugu Hambalyaynayaa Liverpool & Klopp, Aniga

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Klopp-1

Tababare ku-xigeenkii hore ee Liverpool ee Zeljko Buvac  ayaa ku dooday inuu yahay qofka ka dambeeyey guusha ay gaadhay Reds xili ciyaareed hore ee ay kusoo afjartay abaartii ka haysatay horyaalka Premier League oo 30 sannadood kaddib ay ku guuleysatay.

Zeljko Buvac oo gacan-yare u ahaa Jurgen Klopp muddo 17 sannadood ah ayaa waxa uu go’aansaday inuu iskaga tago kooxda sannadkii 2018kii oo la sheegay inay isku dhaceen saaxiibkii Klopp.

Zeljko Buvac ayaa lagu tilmaami jiray maskaxda Liverpool ee intii uu joogay Klopp iyo shaqsiga tababarenimada Jurgen ku hoos qarsoon ee ka shaqeeya dhismaha, isku-dubbaridka ciyaartoyda illaa go’aamada laga qaadanayo inta ay ciyaartu socoto.

Liverpool ayaa ku guuleystay Champions League iyo Premier League, laakiin Zeljko Buvac waxa uu ku dooday in aanu u hambalyeynin kooxdiisa hore labada guulood midkoodn, waxaanu sababta ku sheegay inuu isagu yahay shaqsiga guusha keenay.

“Umaan hambalyeynin” Ayuu yidhi Zeljko Buvac oo hadda ah agaasimaha kooxda kubadda cagta Dynamo Moscow, waxaanu intaa ku daray: “Waan ku faraxsanaa Liverpool, hamaahiirta iyo ciyaartoydaba. Laakiin umaan hambalyn.”

Zeljko Buvac waxa kale oo uu ka hadlay sidii ay ahayd shaqadiisa waqtigii uu ku-xigeenka u ahaa Jurgen Klopp, waxaanu yidhi: “Waxa aan qaban jiray shaqada tababaraha marka laga reebo inaan warbaahinta la hadlo iyo inaan waraysiyada bixiyo.

“Marka laga yimaaddo intaas, aniga ayaa shaqooyinka oo dhan qaban jiray, waxaanan isku dayi jiray inaan saamayn ku yeesho illaa inta karaankayga ah ee aan ka caawin karayo inay guuleystaan. Laakiin umaan baahnayn dareenka noocaas ah (Tababare buuxa).”

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes