Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
“Anigu Isbaaro Uma Dhigayo, Haddii Uu Doonayo Wuu Iska Tegi
Murashaxa Madaxweynaha Barcelona ee Pere Riera ayaa ballan-qaaday in aanu noqon doonin mid isbaaro u dhigta xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo aanu ku qasbi doonin inuu sii joogo kooxda haddii aanu isagu doonayn.Lionel Messi ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Barcelona xagaagii tegay, balse muran iyo khilaaf xooggan oo ka dhex dhashay Madaxweynihii hore ee dhowaanta iscasilay ee Bortameu ayaa keenay inuu sannad kale kusii negaado oo uu sii joogo Camp Nou.Laacibkan ayaa waqtigaas sheegay inuu dhamaysan…
AFARTA Kooxood Ee Ugu Sarraynaya Horyaalka Premier League
Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa saadaaliyey afarta kooxood ee ugu sarraynaya horyaalka Premier League xili ciyaareedkan, kuwaas oo aanu usii kala-saarin sida ay ugu kala dhowaanayaan hanashada horyaalka.Roy Keane waxa uu rumaysan yahay in kooxdiisii hore ee Manchester United aanay boos ku yeelan doonin afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka xili ciyaareedkan, isla markaana ay ka qadi doonto tartanka Champions League xili ciyaareedka dambe oo aanay kasoo qayb-geli doonin.Halyeygan hore ee Red Devils…
Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoydiisa Kulanka
Zinedine Zidane ayaa shaaciyey 21 ciyaartoy oo uu u doortay kulanka caawa ee muhiimka ah ee ay ku qaabilayaan Inter Milan, taas oo ay uga baahan yihiin inay guul ka gaadhaan si ay usoo nooleeyaan rajadooda inay u gudbi karaan wareegga 16ka.Warka wanaagsan ee uu Zidane helay ayaa ah inuu caafimaad qabo Lucas Vazquez oo uu kasoo kabtay dhaawac muruqa kasoo gaadhay Sabtidii, isla markaana uu taam u yahay ciyaartan.Laacibkan reer Spain ayaa difaaca midig ka ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyey, isaga oo buuxinayay booskan ay ka…
Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Labada
Liverpool ayaa u safraysa waddanka Talyaaniga oo ay caawa kula soo ciyaari doonto Atalanta, kaddib labadii guulood ee ay kasoo xoogsadeen labadii ciyaarood ee hore.Atalanta oo bandhig cajiib ah muujisay labadii ciyaarood ee ay Group D kasoo dheeshay, ayaa waxay garoonkeeda Gewiss Stadium u diyaarisay si ay guul ugaga gaadhi karto Reds, isla markaana ay kaabiga u fuusho inay diyaarsato booskeeda wareegga 16ka.Labadan kooxood oo dhamaadka bishan November ku ballansan Anfield oo ay ciyaarooda labaad iskaga hor iman doonaan,…
Zidane Miyuu U Wel-welsan Yahay Mustaqbalkiisa , Sababtii
Zinedine Zidane ayaa sheegay in inta badan kulamada Real Madrid ee dhawaanahan ay la mid yihiin finaladii, laakiin kulanka habeenka talaadada ee ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda Inter ayaa noqon karta wado loo maro in lagu go’aamiyo in Los Blancos ay u soo bixi karto wareega 16ka Champions League iyo in kale.
Ryan Giggs Oo Xabsi La Dhigay Ka Dib Dhaawac Uu U Geystay
Halyeeyga kubada cagta Ryan Giggs ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu waxyeelo u geystay saaxiibtiisa oo lagu magacaabo Kate Greville.Boliis ayaa loogu yeeray guriga tababaraha xulka Wales habeenkii Axada ka dib markii ay deriska maqleen buuq badan.Halyeeyga Man United oo 46 sanno jir ah ayay boliiska su’aalo ka weydiiyeen dhaawacyo uu u geystay saaxiibtiis.Afhayee u hadlay boliiska Greater Manchester ayaa yiri: “Boliiska ayaa loo soo yeeray 10.05pm habeenkii Axada ka dib buuq la maqlay. Gabar da’deeda ay 30meeyo…
Isbedel Ku Dhacay Kala Sareynta Horyaalka Premier League Ka
Kooxda Leicester City ayaa soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii ay 4-1 ku xasuuqeen kooxda Leeds United oo marti loo ahaa.Labo daqiiqo ayay ku qaadatay kooxda Dawacooyinka inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii uu shabaqa u soo taabtay Harvey Barnes iyadoo Youri Tielemans uu u labeeyay daqiiqadii 21aad.Stuart Dallas ayaa gool u soo celiyay Leeds United bilowgii qeybta labaad laakiin Jamie Vardy ayaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 76aad isagoo dhaliyay goolka seddexaad iyadoo…
Xiddiga Real Madrid Ee Ka Hor Joogsaday Antonio Conte Inuu
Inter Milan ayaa barbaro gashay labadii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen Champions League halka Real Madrid laga badiyay kulankoodii furitaanka ee Shakhtar Donetsk ka hor inta aysan barbaro ka tuugin kooxda Borussia Monchengladbach.Tababare Antonio Conte ayaa imaanaya Madrid isagoo hogaaminaya koox adag oo Inter Milan ah kuwaasoo doonaya inay gaaraan guushoodii ugu horeysay islamarkaana ay ceel ka tuuraan rajada Los Blancos ee inay u soo baxdo wareega 16ka.Sergio Ramos ayaa ka horimaanaya ninkii uu shaqada u diiday ee…
Mohamed Salah Oo Lagu Tilmaamay Inuu Yahay Aktar Weyn Iyo
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan fahamsaneyn eedeymaha loo soo jeedinayo Mohamed Salah ka dib markii uu rigoore ku guuleystay kulankii Premier League ee ay ka badiyeen West Ham United.Macalinka West Ham David Moyes ayaa soo jeediyay in Mohamed Salah uu jilaa weyn noqday isagoo ku eedeeyay inuu istuuray ka dib markii uu raacasho kala kulmay daafaca Arthur Masuaku.Falanqeeyayaasha kubada cagta ayaa iyagana dhaleeceeyay weeraryahanka reer Masar ka dib dhacdadaas.“Maxaan oron karaa? Waxay aheyd qalad cad.…
Neymar Oo Go’aan Ka Qaatay Ku Laabashadiisa Barcelona Xilli
Weeraryahankii hore ee Barcelona Neymar ayaa iska diidi doona fursad kasta oo uu dib ugu laaban karo garoonka Camp Nou sannadka soo socda ee 2021 sida ay sheegtay jariirada Isbaanishka ee AS.Xiddiga reer Brazil ayaa si joogta ah loola xiriirinayay suurtogalnimada uu dib ugu laaban karo Camp Nou 18kii bilood ee ugu danbeysay ka dib markii uu shaaciyay inuusan kordhin doonin qandaraaskiisa kooxda Faransiiska wixii ka danbeeya 2022.Si kastaba, warbixinta wargeyska AS ayaa lagu sheegay inuu haatan ka quustay qorshihii uu dib ugu…