Xiddig Ka Tirsan Chelsea Oo Ka Degay Koox Kale, Saxeexyadii

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa bilowday inay kala fududayso xiddigaha tirada badan ee ay haysato kaddib saxeexyadii ay samaysay xagaagan.

Blues ayaa si weyn uga shaqaysatay suuqa iibka xagaagan oo ay gelisay lacag ka badan 250 milyan oo Gini, iyadoo soo xero-gelisay Kai Havertz, Timo Werner, Hakim Ziyech, Ben Chilwell, Mendy, Thiago Silva iyo Malang Sarr, waxaanay taasi culays ku keentay laacibiintii hore usoo joogay ee qaarkood boos la’aanta ahaayeen.

Laacibka khadka dhexe ee reer England ee Ross Barkley ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Chelsea ka tegay kaddib saxeexyadan ay samaysay kooxdiisu, waxaanu u wareegay naadiga Aston Villa oo uu u saxeexay heshiis amaah sannad ah.

Barkley ayaa ka garab ciyaari doona Ollie Watkins, Bertrand Traore, Emiliano Martinez iyo Matty Cash oo dhamaantood ay Aston Villa lasoo saxeexatay xagaagan.

War-saxaafadeed ay Chelsea soo saartay ayay ku tidhi: “Barkley waxa uu inta ka hadhay xili ciyaareedkan ku qaadan doonaa Villa Park oo ah halka uu John Terry kaaliye tababare uga yahay Dean Smith.”

Tababaraha Aston Villa ee Dean Smith ayaa isaguna yidhi: “Inaanu soo qaadano ciyaartoy tayada Ross oo kale leh, waxay dhab ahaantii faa’iido u tahay kooxdayada, waxaanan hubaa inuu halkan kusoo mudhi doono oo uu horumarin doono kooxda.”

Barkley oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa u saftayy Chelsea 52 ciyaarood oo horyaalka Premier League iyo Champions League ah tan iyo markii uu yimid bilowga sannadkii 2018kii.

21kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ee uu tababare Frank Lampard ciyaarsiiyey ayuu dhaliyey hal gool iyo afar kale oo uu caawiye ka noqday, waxaanu hadda laacibkan hore ee Everton uu boos joogto ah ka heli doonaa Aston Villa oo uu hoggaamiyeyaasheeda ka mid noqon doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More